Hargeysa(GNA)-Waxa jira warar isa soo taraya oo sheegaya inay Maalmihii la soo dhaafay aqalka Madaxtooyada dhexdiisa isku faro-saari gaadheen Wasiirka Madaxtooyada ee Xukuumadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wiil uu dhalay Madaxweynuhu oo dibada ka yimi, kaasoo wasiir xirsi ku canaantay inuu sumcadii madaxweyaha meel kaga dhacay, isla markaana umadda Mucaaridad uga dhex abuuray.
Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ku dhadhow aqalka madaxtooyada, Wiilka ayaa hadalo taagtaagan ku tiraabay Wasiir xirsi oo madaxtooyada dhexdeeda ku sugan, hadaladaasoo wasiir xirsi aanu wax jawaab ah ka bixin, balse Marwada Madaxweynaha oo ah hooyada wiilkani ku dagaashay wiilkeeda.
Wiilka uu madaxweynuhu dhalay oo magaciisa la yidhaahdo Cabdisalaan Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka yimi waddanka Suudaan gaar ahaan Gobolka Daarfuur oo uu ka shaqeeyo, sida ay Gobanimonews u sheegeen dadka aqoonta u leh, ayaa ujeedada uu dalka u yimi ay tahay sidii uu meesha uga saari lahaa afduubka wasiir xirsi ku haysto talada waddanka oo hada si weyn u taabatay qoyska Madaxweynuhu ka soo jeedo (Aadan Madoobe), oo la sheegay inay ku hawlanyihiin abaabul ka dhan ah Xirsi.
Hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku dayaa in imaanshiyihiisu ka dambeeyay, magacaabista Wasiirka arrimaha dibada ee cusub Maxamed Biixi Yoonis oo ay Gobolka Daarfuur ka wada shaqaynayeen, isla markaana ah ninkii shaqada qoray, muddo ka hor intaanu aabihii Madaxweynaha noqon.
Cabdisalaan Axmed Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu ahaa qofkii xidhiidhka u furay Madaxweynaha iyo Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ka hor intaan la magacaabin, ka dibna sababta u ahaa in magacaabistiisa oo uu Wasiir Xirsi diidmo cad iyo waji dadab kala hor yimi, ilaa markii uu xilka la wareegay.
Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno ka mid ah Wasiiradda ay xulafada yihiin, ayaa si toos ah uga biyo diiday magacaabista Wasiirka Khaarajiga, kuwaasoo markii la soo dhaweynayay ilaa hada aan mar qudha il saaxiibtinimo iyo mid wada shaqayneed toona ku eegin, halka kooxda Taageersan iyo bulshaduba soo dhaweysay.
Imaanshiyaha Wiilka Madaxweynuhu dhalay iyo dagaalka uu ku bilaabay Xirsi ayaa lagu tilmaamayaa arin salka ku haya waji gabaxa lagala horyimi Biixi Yoonis oo wiilkan gaadhay, kaasoo sii kiciyay dareen hore ugu jiray Dadka ay Madaxweynaha isku dhawyihiin iyo Bulshada inteeda kaleba.
Balse waxa la hadal-hayaa in wasiir Xirsi Hiil ka helayo Marwada Madaxweynaha oo cabsan Xirsi iyo kooxda ku hareeraysan. Sida laga soo xigtay hadaladii ay is-dhaafsadeen.
Wiilka ayaa isagu wasiir xirsi ku yidhi “aabahaybaad umaddi nacsiisay, sumacadiisiina aad ku ciyaartay, walaahi hadaanu meel iska kaa marin wayno sidii dahabshiil meel iskaga kaa mariyay, intaas kadib waxa hadaladan taagtaagan maqashay marwada madaxwaynaha oo iyadu markiiba kabo kula carartay wiilkeeda iyadoo ku tiraabaysa waar ma adeerkaa ayaad gacanta u qaadaysaa oo aad sidan ula hadlaysaa waar miyaanad ogayn inuu yahay ninka aabaahaa heerkaas soo gaadhsiiyay intaas kadib wiilka ayaa gudaha u galay aqalka madaxtooyada”sidaasina waxa ku warantay Mareegta Somalilandcitezen.
Si kastaba ha ahaatee sheekadan ayaa ku soo beegmaysa xili Wasiir Maxamed Biixi Yoonis markii uu dalka yimi la kulmay digniino ay u soo jeediyeen Xubno ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaridka ku ah Wasiir xirsi, kuwaasoo ku war-geliyay inay shaqadiisa hortaalo Is-baaro madaxtooyada dhexdaada taala oo ay Wasiiro badani ku turun-turoodeen, taasoo uu sheegay inaanu wax sas ah ka qaadayn, isla markaana aanu shaqadiisa u daba-fadhiisanayn qof kale oo aan madaxweynaha ahayn.
Waxaanay dadka arintan la socdaa ku doodayaan in Wasiir Maxamed Biixi Dacwada Xirsi u gudbiyay Wiilka madaxweynaha ee uu isagu shaqada Daarfuur qoray, kana soo shaqeeyay Wasiirnimadiisa.
Wararkan oo dhami waxay dibada u soo baxayaan iyadoo aan wali wax war ah oo rasmiya iyo cadaymo muujinaya arin midna ka soo bixin Madaxtooyada iyo Wasiir xirsi toona.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com