Muqdisho(GNA)- AMISOM ayaa ka hadashay diyaaraddii ku dhacday saaka aroortii hore garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo sheegay inay ku dhinteen afar qof oo shaqaalihii diyaaradda ka mid ahaa ayna ku dhaawacmeen laba kale.
Qoraal ay AMISOM soo saartay ayaa lagu sheegay in shilka diyaaradeed uu yimid kaddib markii diyaaraddu ay cago-dhigatay garoonka, balse uu dab ka ka kacay qaybta dambe kaasoo keenay inay gabi ahaanteen gubato.
“Diyaaradddu markii ay dhacday waxaan u fidinnay gurmad deg-deg ah oo aan kusoo badbaadinnay laba ka mid ah shaqaalihii diyaaradda, afar kalena shilka ayay ku dhinteen,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay.
AMISOM waxay sheegtay in diyaaraddu ay ahayd mid milateri oo ay lahayd dowladda Itoobiya, inkastoo aanay sheegin inay saanad ciidan u sidday iyaga iyo in kale iyo halka ay ka timid intaba.
“Waxaan dowladda Itoobiya uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid afar ka mid ah shaqaalaha diyaaraddii ku burburtay saakay madaarka Muqdisho, kuwa kale ee dhaawacmayna waxaan u rajeynayaa caafimaad deg-deg ah,” ayuu danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif ku yidhi warsaxaafadeedka ay soo saartay AMISOM.