Borama(GNA)-Agaasimaha guud ee wasaarada dib u dajinta Somaliland Mudane Xaaji Maxamuud Jibriil Yoonis ayaa maanta dhakhtarka Dhimirka Boorama soo gaadhsiiyay deeq isugu jirta Timir,Buskud Iyo Dhar uu soo wakiishay walaalkii Aadam Jibriil Yoonis oo degen Wadanka Demnark.
Munaasbadii gudoonsiinta deeqdan oo ka dhacday xarunta dhakhtarka dhimirka ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay Agaasime Xaaji Maxamuud Jibriil Yoonis waxa uuna sheegay in deeqdan raashinka ah oo isku jirta,Timir, Buskud Iyo Dhar uu soo diray walaalkii Aadam Jibriil Yoonis oo ka mid ah dadka muxsiniinta ah ee sannadwalba xiligan oo kale u soo dira dadka dhimirka wax ka qaba ee ku jira dhakhtarkan waxa uuna sheegay in uu ku wareejiyay Dr:C/laahi “Dhakobiin” oo ka wakiil ah agaasimaha dhakhrtarka Boorama iyo Dhakhtarka u qaabilsan qaybta dhimirka ee dhakhtarkan.
Sidoo kale waxaa halkaas hadalo mahadnaqa ka soo jeediyay Dhakhtarada C/laahi “Dhakobiin” Iyo C/raxmaan “Gurguurto” waxa ayna alle uga baryeen Aadam Jibriil Yoonis in waxa uu la soo baxay alle ka jazaa’isiiyo maalinta qiyaama deeqdaas uu dadkan walaalihii ah ee ku jira dhakhtarkan ee u baahan taakulo joogto ah.
Dhanka kale waxaa iyagna halkaas ka hadlay Qaar ka mid ah dadkii bukaanka ahaa ee deeqdaas ka faa’iidaystay waxa ayna sheegeen in ay aad ugu farxeen deeqdan uu soo gaadhsiiyay Agaasime Xaaji Maxamuud Jibriil Yoonis waxa ayna alle ugu baryeen in jannadii uu ka waraabiyo muxsinkaas soo diray deeqdan oo ay sheegeen in uu soo gaadhsiiyay waqti ay u baahnaayeen.
Gabo gabadii waxa ay baaq u direen umada islaamka iyo soomaalida in ay soo gargaaraan.
Si kastaba ha ahaatee deeqdan uu maanta soo gaadhsiiyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dibu dajinta Somaliland Xaaji Maxamuud Jibriil Yoonis ayaanan noqonayn tii ugu horeysay se waxaa horey u jirtay deeqo badan oo horey u soo gaadhsiiyay taas oo wax wayn ka tartay baahiyaha ka jira dhakhtarkan dhimirka ah oo ah kuwo joogto ah loona baahan yahay in laga wada qayb qaato ka warhayntiisa…“
Gobanimonews
Boorama Office
Email: editor@gobanimonews.com