Friday, August 16, 2013

Maraykanka oo ku Dhiiraday inuu Safiir u soo dirsado somaliya, Xili aanu Kalsooni badan ka qabin Amniga Muqdisho


Muqdisho(GNA)-Dawladda Mareykanka ayaa Danjire cusub u soo magacaawday Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabo James P. McAnulty, kaasoo bedelaya Danjirihii hore James Swan.




Danjirahan ayaa la filayaa inuu dhowaan Muqdisho yimaado si uu waraaqihiisa danjirnimo ugu gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dawlada  federaalka




Mareykanka ayaa  malaayiin doolar ah uu ku bixiya howl galka nabad ilaalinta AMISOM, waxaanu  aqoonsaday dowladda Federaalka Soomaaliya oo sanad ka hor ka baxday KMG-ka.




Danjiraha cusub ee Mareykanka Mr McAnulty ayaa shaqada arrimaha dibada ee Mareykanka ku soo biiray sanadkii 1983, waxaa uu Safiiro ka soo noqday dowladdo badan oo ku yaala Latin Ameerika, sida Venezuela, Mexico, Bahamas, Costa Rica iyo Kenya iyo Belgium oo uu ka ahaa safiirka Mareykanka u fadhiyay Xarunta Midowga Yurub.




Mr. McAnulty ayaa ahaa qunsulka Mareykanka u fadhiya magaalada Abuja ee dalka Nigeia oo uu ka ahaa qunsulka arrimaha siyaasada.




tiro ka mid ah Dowladaha reer Galbeedka ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay Safiiro u soo magacaabay Soomaaliya,kuwaasoo ka hawl-galay gudaha dalka.




Dawlada Ingiriiska ayaa dhowaan bedeshay safiirkeeda hore, safiir cusubna u soo magacawday somaliya.




Maraykanka ayaa muddooyinkan dambeba ka Showrayay sidii uu Safiir ugu magacaaban lahaa dalka somaliya oo rejo nabad-gelyo ku soo laabatay markii Al-shabaab kaga saaray Deegaamo badan oo ay maamuli jirtay.




Hase ahaatee amaanka Gobolka Banaadir oo xarun u ah Dawlada iyo Hay’adaha la shaqeeya oo ay safaaraduhu ka mid yihiin, ayaan ahayn mid cago adag ku taagan, ama laysku halayn karo.




Waxaase arintani dhiiri gelinaysaa isku halayn amni iyo inay somaliya noqoto meel Caalamku u dhanyahay oo Cadowga lala wada dagaalamo, halka sanado ka hor Qab-qablayaal dagaal iyo Kooxo aragtiyo kala duwan wataa Madaafiic isku waydaarsan jireen.




Maraykanka ayaa ah Dawlada ugu quwadda weyn Caalamka xiligan, waxaanay hawl-galkeeda somaliya sahlayaa inay Ciidamadeeda sirtu ka shaqeeyaan Gudaha, lana socdaan dhaqdhaqaaqyada Kooxaha ay Argagixisada ku sheegaan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com