Maareeyaha Dekedda Berbera oo ah Aqoon yahan iyo siyaasi weyn oo Shacbigiisuna u qiray oo ay rabaan in uu waligii sidaasi ugu shaqeeyo isla markaasina uu mar walba u taagan yahay horumarinta iyo daryeelka Dadkan iyo Dalkan,
Haddaba Cali Xoor Xoor ,marka aynu hoos u eegno ama qiimayno wax-qabadkii faraha badnaa ee dhinaca horumarinta arrimaha, bilicda Dekedda magaalada Berbera ,hagaajinta waddooyinka, dhismayaasha iyo qalabka noocyadiisa kala duwan ee uu qabtay dib u eegno Waxay cid kastaa og-soontahay oo ay marag ka tahay gaar ahaanna dadka aqoonta leh ee wax cabira in aan qofna hal maami Karin horumarka iyo kartida muuqda ee Maareeyaha Cali Cumar ka hirgeliyey Dekedda magaalada Berbera .), taasina ay tahay sababta aan u jeclaan lahaa shaqsiyan kuna talin lahaa in uu Cali ahaado Maamulaha Marsada Berbera, inay tahay wax-qabadkii muuqday ee uu sameeyey Mudadii uu xilka hayey.
Waxaan halkan Hambalyo U dirayaa Maareeyaha Dekeda Berbera ee Gartay kana qaaday Qandaraaskaasi dadkaasi masaakiinta ahna ku daray inay ka mid noqdaan Shaqaalaha Weynaha Dekeda Berbera xaqoodana halkaasi ka qaataan waa talaabo geesinimo halka uu ka leeyahay Mustafe waxxdad walaalkay ayaa la eryey walaalkii wuxu uga wakiil ahaa xooga dhalinyaradaasi gabooye ee xashiishka gurta oo lacag ku dulqaato.
Hadaba Waxaan shaki ku jirin in baryahan dambe ay soo baxeen war xumo tashiil ku qanacsan mijin jaada oo caado ka dhigtay ama ay maamulka dekedd’e,oo ka dhigan xaasid nimo aan meelna aan loogu soo gaban oo iska cad u jeedadeedu.haddaba,waxaan leeyahay bulshooy cali , ma gayo manuu mutaysan maanta hadallada deelqaafka ah iyo Gardarada aan geedna loogu soo gaban
Waxa wax lala yaabo ah in maqaalkan uu ku talaxtagay oo loo qoray hab ka baxsan anshaxa dhaliisha iyo waxka sheega masuuliyiinta ee sahqada ay qaranka u hayaan, waxay muuqataa inuu cay badheedh ah dib u bilaabay abdulqaadir fartaag oo mudo markaa la ogaaday ka baxay shaashada cayda Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Shakhsiyaadka kasoo jeeda ardaaga Maareyaha waxa uu sicad u iftiiminayaa in maqaaladani ay keeni karaan kicin iyo iska hor imaad dhexmaray beelaha walaal ah ee kala Maamula Dekeda + Gobolka iyo Dawlada Hoose ee Berbera marka aad eegto habdhaqanka foosha xun ee nin la garanayo oo uu si badheedh ah u caytamo isagoo waliba bulshada dadka u adeega ee mansabyada dawlada haya kamid ah waanu ku garanaynaa oo iskaa celin hadaad joojin weydo cayda iyo qabyaalad naceybka aad ku caydu maareyaha Dekeda Berbera Eng cali Xoor Xoor .
Aan usoo dego dulucda jawaabta maqaalkan waxa uu qoraagu sheegay in Maareeyaha Dekeda Berbera aarsanayo taasi oo ah hadal meel ka dhac ah haduu aarsanayo waxa tusaale kuugu filan kaliya Maareeyihii ka horeeyey ee isaga ka joojiyey Mushaharkii Kana Jaray Laydhkii in aanu ka joojin mushaharkii oo uu qaato Maanta Axmed yuusuf, taas oo ka markhaati kacaysa in aanu cidna ka aarsan ee halkan kusoo gaadhay dulqaad iyo deeqsinimo, waxa tusaale kala kuugu filan adigoo qoraaga maqaaladan lagu caayo ah cadeymo buuxana lo ohayo inaanu weli talaabo kaa qaadin balse dadka iyo illaahay ba way arkayaan xaqdarada xiqdiga iyo qabyaalada aad ku caayayso iskuulka aad sheegaysana waa kaad mamule kuxigenka ka tahay malaha adaa warkaa shaqale ka ah. Dadka reer Berbera marka illaahay laga yaabo waa masuulka loogu jecel yahay, Berbera iska daa oo Somaliland oo dhan taageero lixaad leh ku leh.
Qofka Bani aadamka ah waxa Ciseeye Illaahay kii uu Doonana Duleeya waa nasiib iyo calaf iyo cise eebe in Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor Soo Noqnoqdo Nasiib na u yeesho inuu la shaqeeyo sedex dowladood oo Somaliland soo maray, Daacadnimadiisa Dawladaha dalka uu kula shaqeeyo ayaa sababtay inuu soo noqnoqdo hana ka ma suugin.
Arinta Mustafe waxdad haduu kulmiye ahaa iyo hadii aanu ahaynba waxa laga celinayaa waa dhul dawladeed iyo mustaqbal ka dekeda berbera maaha dan cali xoor xoor leeyahay waxaad ogsoontahay oo dadka reer Berbera ka warhayaan in Mustafe xiligii uu kulmiye ahaa ee uu caayi jiray cali xoor xoor hadana uu guran jiray lacagta xashiishka dekeda ee uu ku shaqeysto dadka jilicsan ee gabooye isla lacagtaasi sida xun kusoo gashay ayuu isagoo dekeda ka qaadanaya hadana looga tag weeyi jiray, manta dadkii gabooye waxa lagu daray shaqaalaha dekeda berbera oo ay xaq iyo xuquuq la doonayaa illaahaybaa laga baqaaye ma mustafe ayaa gardaran mise cali hadii aadnad qabyaaladeynayn mustafe ayaa gardaran.
Waxan u arkaa in lagu haysto maxaad u ilaalinaysaa Dekeda Dhulkeeda waxaan ka digayaa war ragow inuu is garanayn hadaynu isku ixtiraami wayno ehelnimada waxaynu seegeynaa walaalnimada walaahi ciise muse ayaa labo noqonaya sida aad doonaysaan hadaad joojin weydaan badheedhkan aad isku racsantihiin adna waynu is mudan yoolow.
Axmed Cismaan Maxamuud