Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland guud ahaanba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE HA U NAXARIITSEE MARXUUM CABDI AW CUMAR KULMIYE Oo ka mid ahaa Nabad-doonada waa weyn ee Gobolka Gabiley, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo is dhexgalkii beelaha somaliland wada dega.
Marxuumka oo ku geeriyooday 16/08/2013 Magaalada Gabiley waxa uu madaxweynuhu ku sifeeyey oday dhaqameed miisan culus ku lahaa bulshada, waxaanu Madaxwaynuhu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Sidaasi ayaa lagu yidhi Dhambaalka Tacsida ah.
Dhinaca kale sida ay xaqiijiyeen Ehelada Marxuumku waxa marxuumka beri lagu aasi doonaa Magaalada Kala-baydh ee Gobolka Gabiley.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com