Hargeysa (GNA)-Ciidamada Bilayska ee sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa sirdoonka Qaranka Somaliland oo iskaashanaya ayaa Xalay hawl-gal hor leh oo lagu baadhayo Guryo laga shakiyay inay degenyihiin dad xidhiidh la leh kooxaha Argagixisada ah ka sameeyay Xaafado ka mid ah Magaalada Hargeysa.
Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Amnigu, hawl-galkan ayaa laga fuliyay Xaafadaha Calaamadaha ilaa iyo New Hargeysa, waxaanay ciidanku baadheen guryo halkaasi ku yaala oo laamaha sirdoonku shaki badan ka muujiyeen.
Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay Ciidamada Bilayska iyo kuwa Mukhaabaraadka toona oo la xidhiidha waxyaabaha shaki dhaliyay inay jiraan dad lagu soo qab-qabtay hawl-galkaasi, hase ahaatee goob-joogayaal ayaa Gobanimonews u sheegay inay Ciidanku bar-tilmaameedsanayeen goobo mucayim ah oo hawshoodu ku waajahnayd.
Hawl-galka ayaa dhacay intii u dhaxaysa 10:00 Habeenimo ee xalay ilaa 1:00, hase ahaatee ma cadda inuu soo gabagaboobay iyo in kale, waxaana ka qayb-qaadanayay Ciidanka SPU-da iyo RRU-da ee ka hortaga Xaaladaha deg-dega ah.
Hawl-galo amniga lagu sugayo iyo foojignaan dheeraad ah ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay laga sareemayay Ciidamada amaanka Somaliland,gaar ahaan Magaalooyinka waaweyn, bal se ma jiraan ilaa hada wax natiijo ah ama wax bulshada lagu shaki saarayo oo ka soo baxay dareenadii arintan ka dhashay .
Taliyaha Bilayska somaliland ayaa Maalintii Arbacadda BBC-d u sheegay inay ciidanku sugayaan amniga dalka oo ay mar walba feejignaan ugu jiraan sidii ay uga hor-tegi lahaayeen Khatar kasta oo amniga waxyeelo ku ah.
Dhanka kale, Wargeyska Waaheen oo ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa Magaalada Hargeysa ayaa Khamiistii shalay sheegay inuu jiro shaki weyn oo dhanka amniga la xidhiidha oo maalmahan soo kordhay, kaasoo wargeysku sheegay inuu sababay in Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed waran-cadde u baajiyay Safar uu ku tegi lahaa waddanka Isutaga imaaraadka carabta.
Geesta kale Wariyeha Gobanimonews ee Magaalada Burco ayaa sheegaya in sababo dhanka amniga ah loo hakiyay shaqada shirkadda sahaminta shidaalka ka wadda Goboladda bari ee Genel Eneregy, laakiinse warkaasi maaha mid wali ka soo baxay dhinaca shirkadda iyo dawlada toona.
Bilihii la soo dhaafay ayay ahayd markii Ciidamada Bilayska gaar ahaan kuwa loo yaqaano RRU-du tobanaan hawl-gal oo ay sameeyeen Magaalooyinka waaweyn ay ku soo qab-qabteen dad tiro badan oo looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin Kooxda Alshabaab, kuwaasoo qaarkood markii dambe la iska sii daayay, kuwo wali xabsiyada ku jiraan.
Somaliland ayaa ka mid ah waddamada mar kasta khatarta ugu jira inay u soo gudbaan Dagaalyahanada Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama somaliya, kaasoo sanadihii ugu dmabeeyay awoodiisa Milateri ee somaliya hoos u dhacday, inkasta oo wali weeraro ay ka fuliyaan Caasimada somaliya ee Muqdisho.
Bishii October ee sanadkii 2009-kii ayay ahayd markii qaraxyo ismiidaamin ah lagu qaaday Madaxtooyada Somaliland, xarunta UNDP ee Hargeysa iyo Safaarada itoobiya ee Somaliland, ilaa iyo xiligaasna dawladu waxay heegan ugu jirtay ka hortaga khatarta Argagixisada.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com