Gobanimonews(W.Wararka)Andre Villas-Boas ayaa soo dhaweeyay isbarbardhiga ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Paulinho iyo Frank Lampard, waxaanu shaaca ka qaaday in xiddiga reer Brazil goolal u dhalin doono Spurs xilli ciyaareedkan.
25 jirkan ayaa dhiig cusub ku ah khadka dhexe ee White Hart Lane isagoo 20 milyan euro kaga soo wareegay Corinthians bilowgii bishii July.
Paulinho ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay in Juan Roman Riquelme uu u la barbardhigay halyeeyga Chelsea, waxaana tababaraha reer Portugal uu dareensan yahay in Lampard uu tusaale uu ku daydo uu u noqon karo.
“Waxaan qabaa in Frank Lampard uu tusaale u ayahay Paulinho” ayuu tababaraha Spurs u sheegay OMNISPORT.
“Lampard waa ciyaaryahan meel walba fantastik ku ah, islamarkaana koobab soo qaaday, guulo badana soo gaadhay intii uu kubada cagta ciyaarayay. In Paulinho isaga lala meel dhigo waa tusaalaha ugu fiican ee uu heli karo.
“Waa ciyaaryahan qaabkaas leh oo khad dhexe islamarkaana uriya goolasha, waxaana qabaa inaan arki doono isagoo goolal u dhalinaya Tottenham xilli ciyaareedkan.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.