Harare 12.08.2013, (GNA)- Madaxweynaha dalaka Zimbabwe Robert Mugabe yaa weeraray mucaaradka dalkiisa, markii ugu horaysay ee u hadlo tan iyo markii uu ku guulaystay doorashooyink muranka dhaliyey.
Mugabe ayaa ku gacanseydhay hadalkii ninka ay tartamayeen ee Morgan Tsvangirai ee ahaa ninka dorashiyinka lagaga shubtay
Waxaa uu ugu baaqey Morgan Tsvingirai "in uu is daldalo" haddii uu doonayo sidaas.
Xisbiga MDC ee uu hoggaamiyo Tsvangirai ayaa dhaliilay doorashada, waxaa uuna dacwad ka dhan ah natiijada geeyay maxkamadda destuuriga ee dalkaas.
Mugabe ayaa ku guulaystay boqolkiiba 61 codadkii la dhiibtay, iyadoo Tsvingirai uu helay boqolkiiba 35.
Xisbiga Mugabe ee ZANU-PF ayaa sidoo kale ku guulaystay laba meelood saddex kuraasta baarlamaanka ee dalkaas.
Khudbad uu jeediyay xuska maalinta geesiyada ee dalka Zimbabwe, aya Mugabe waxaa uu dadka ugu baaqey inay u dabbaaldegaan guushiisa.
Waxaa uu sheegay in kuwa laga guulaystay doorasooyinka ay is daldali karaan haddii ay sidaas doonayaan..
Gobanimonews