Hargeysa(GNA)-Buuqa iyo Jaha wareerka ka taagan Derejo qaybinta Ciidanka Bilayska ayaa circa isku sii shareeraysa.
Waxa kale oo arintaasi dheer guux ka soo baxaya xubnaha kaga jira Ciidamada dhaqdhaqaaqii SNM ee aan derejada la siin oo u dudaya sababta looga reebay iyo in la duudsiyay xuquuqdii ay waddanka ku lahaayeen.
Labadan arimood ayaa ah kuwo marba marka ka dambeysa sii durkaya oo dareen badan dhaliyay .
Waxa jira caawa warar sheegaya inay iscasileen ku dhawaad afar sarkaal oo bilays ah oo Taliyeyaal saldhiga ahaa,. Kuwaasoo sababaha ay isku casileen lagu sababeeyay inay ka amar qaadan waayeen askartii saldhigayooda ka tirsanaa ee Derejooyinka ka sareeya la siiyay.
Afartan taliye ayaa Ilo-wareedyo ciidanka ka tirsani Gobanimomews u sheegeen inay kala haysteen afar saldhig oo ku kala yaala Magaalooyinka Hargeysa , Boorama, Burco iyo Berbera, inkasta oo aanu isku daynay inaanu faahfaahin dheeraad ah iyo xaqiijin ka helno taliska Bilayska, hadana noomay suurto gelin.
Warar kale oo caawa soo baxayay ayaa sheegaya inay ashkhaasta Ciidanka iyo Shaqaalaha dawlada kaga jira ururkii SNM tabasho weyn qabaan oo laga yaabo inay talaabo qaadaan.
Waxa kale oo jiray war sheegaya in Guddida soo diyaarisay derejooyinku go’aan ku gaadheen in dib loogu noqdo qaabka loo bixiyay derejada Ciidanka Bilayska, wixii hore ee la siiyayna la laalo
Si kastaba ha ahaatee xaalada la geliyay ciidankii amniga dalka ayaa ah arin u baahan in dhakhso wax looga qabto, hadii kale saamaynteeda yeelan doonta.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com