Tuesday, August 13, 2013

Xarunta Telefishanka Qaranka somaliland ee London Uma Diwaan-gashana Hanti Qaran ee Waa Shirkad qof leeyahay!Akhri Dhikumanti muujinaya Musuqmaasuqan


London(GNA)-Gobanimonews waxay heshay xog rasmiya oo muujinaysa in Xafiiska Telefishanka Qaranka ee Somaliland ee Magaalada London aanay u diwaan-gashaynayn Hanti dawladeed, balse uu ku sharciyaysanyahay Magac bug ah oo uu ku diwaan-gashaday Maareeyaha Telefishankaasi.




Sida aanu xogtan ku helnay, Maareeyaha Tv-ga Qaranka, Khadar Hassan Ali (Gaas) magaciisa uu ku degen yahay Uk waa  Muhamed Hassan Ali, kaasoo uu  ku diiwaan gashaday xarunta Tv-gu ku leeyahay magaalada London. 




Khadar Hassan Ali (Gaas), intii aan loo magacaabin xilkan Maareeyaha waxa uu ahaa Agaasimaha Tv-ga Qaranka ee London oo 29.0ct.2011 lagaga dhawaaqay magaalada London. waxaana markaa loo xilsaaray diiwaangalinta xafiiskaasi oo lagu aaminay.




Taariikhdu markii ay ahayd 02/12/2011 ayuu diiwaangalinta sameeyey, waxaana uu ku diiwaangaliyey sidan:-




Company Name: SIMLINK MEDIA LIMITED


Company Type: Private Limited


Registeted office: England and Wales. (garoo Birmingham kuma jirtee)


Name: Muhamed Hassan Ali.


date of birth: 01/01/1972


Resident: United Kingdom


Nationality: British.


Ha is odhan cidi kuma arkaysee afka buuxso


ha is odhan cidi kuma arkaysee aqalo jeexo.




Wax yar ka dib markii uu xilka la wareegay waxa uu ku faanay in uu Qaranka Somaliland lacag u badbaadiyey mase la is waydiiyey lacagtaasi halka ay ku danbaysay?.




 mida kale waxa muuqata in Kirada satelitka iyaduna ay gacanta ugu jirto shakhsiyaad ku takrifala xoolaha ummadda.




 Waayo muxuu dadweynaha ugu soo bandhigi waayey cadaymaha iyo heshiiyada ay galaan, waxa la ogyahay in Tv-gu dhaqaale soo saaro marka laga yimaado Miisaaniyada ay dowladu siiso oo sanadkii ku dhow 4milyan oo dollar, sidoo kale Xafiiska London ee uu magaciisa ku diiwaangaliyey waxa uu isna soo saaraa dhaqaale ay ka qaadaan meelaha iyo xafladaha ay soo duubayaan iyo xayaysiisyada.




Hadii aan u soo noqdo xafiiska London ku yaal ee uu hantiyey waxa ku baxay kharash aad u badan oo galay xaga Qalabaynta hadii ay tahay Camera, mixero, computer, sameecado, qalabka kale ee xafiisyada iyo waliba Kiradda sanadka oo markasta la qadimo waxaas oo dhami dowladda England waxa ay u aqoonsan tahay waxa weeye  Khadar/Muhamed Hassan Ali oo ah qofka leh Company hase yeeshee aanay u aqoonsanayn in xoolo umadeed ay tahay xaruntani, iyada oo wax iska hortaagi lahaa aanu jirin hadii magaca Somaliland lagu qori lahaa. mida kale hadii maanta xilka laga qaado qof iyo dowlada kula doodi karta xoolaha umaadda ma jirto waayo dalkan uu magaciisa kaga diiwaangashaday waxa kaliya ee lagu kala baxaa waa cadaynta wax cadayn ah oo qaranku leeyahayna kama muuqato xafiiskaa London. haddaba waxa haboon in Madaxweynuhu ka fiirsado qofka uu xil u magacaabayo hanti qaranku leeyahayna uu ku aaminayo.




Khaladaadka kale ee uu ku jiro Khadar/Muhamed waxa ka mida in uu shaqaalaha dibad iyo gudaba uu kula dhaqmo hab foolxun oo ah Qabyaalad isaga oo ugu awood sheeganaya xilka uu hayo. goobaasna ku soo xareeyey ehelkiisa ugu dhow.




iska daa somaliland xataa waxa uu khiyaamo kula dhaqmaa dowlada ingiriiska oo xisaabcelinta uu ku sheegay inuu Capital-kiisu zero yahay waxa uu qariyey dadka shaqaalaha ah oo dhinac markaad ka eegto ay xaraan noqonayso waxa ay shaqaysanayaan waayo cashuur baa ka bixi lahayd oo  xalaalbay quudan lahaayeen.




Haloo wada joogo waxa xigi doona!




Akhri Qoraalo Cadaynaya Musuqmaasuqa iyo Dhaca hantida Qaranka lagu haysto:- 1-8 page




Qoraal walba guji !!!