Beruit(GNA)-Qarax aad u weyn oo lagu qaaday meel ku taala Koonfurta Magaalada Beirut ee Caasimada waddanka lubnaan, halkaasoo ay ku badan yihiin Dadka Shiicada ah iyo taageerayaasha Ururka Xisbillaah ayaa lagu dilay ku dhawaad 20 qof, in ka badan 120 kale waxa ka soo gaadhay dhaawacyo, sida ay Saraakiisha amniga u sheegeen.
Qaraxa ayaa dhacay Maalintii Khamiista, waxaana Masuuliyadiisa sheegtay Koox ka mid ah Kooxaha sunniga ah ee dalka Lubnaan ka jira, kuwaasoo sheegay inay fulinayaan Weeraro kale oo ka dhan ah Ururka Xisbilaah iyo Taageerayaashiisa.
Saraakiisha Gar-gaarka Deg-deg ah ee Lubnaan ayaa sidoo kale sheegaya inay jiraan dad wali ku hoos jira bur-burka dhismayaasha Qaraxani dumiyay kuwaasoo aan tiro sugan laga hayn.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Cambaareeyay weerarkan , waxaanay ugu baaqeen Dadka Reer Lubnaan inay Muujiyaan isku duubni iyo midnimo siyaasadeed iyo mid bulsho .
Dalka Lubnaan ayaa maanta lagu jiray Tacsi iyo Aas qaran oo loo sameeyay Dadkii Weerarkaasi ku dhintay, sida uu Khamiistii ku dhawaaqay Reysal-wsaraha Libnaan Xasan Makiti.
Weeraradan ka dhan ah Ururka Xisbilaah iyo Dadka Shiicada ah ee Dalka Lubnaan ayaa ah kuwo sii kordhayay tan iyo Markii Ururka Xisbilaah ku dhawaaqay inuu taageero milateri u fidinayo Maamulka talada Suuriya laga rux-ruxayo ee Bashaar al Asad, kaasoo Xusbilaah sheegeen inay Ciidamo ka garab dagaalama Maleeshiyaadka taabacsan u diraayan wadankaasi.
Horaantii bishan Jully ayaa weerar banbaano oo loo adeegsaday laba gaadhi oo laga soo buuxiyay Walxa qarxa lagu qaaday meel shiicadu ku badantahay oo ku taala Magaalada Caasimada ah ee Beirut, hase ahaatee weerarkaasi khasaare badani muu sababin.
Geesta kale dhamaadkii Bishii October ee sanadkii 2012, ayaa koox Suniyiin ahi waxay weerar banbaano ku qaadeen goobo kale oo ay dadka shiicada reer Lubnaan degenyihiin oo ku yaala Magaalada Beirut.
“Xasan Al-nasrulaah waa wakiilka Iraan iyo Israail ee lubnaan, mana joojinayo Weerarada aanu ku qaadayno dadka Taageersan” sidaasi waxa lagu yidhi Beyaan ka soo baxay Kooxda Suniga ah ee Gaashaanleyaasha Caa’isha oo ka mid ah Kooxaha Lubnaan aadka looga yaqaano.
Dagaalka ka dhex curtay Kooxaha dhinaca Diimaha ku abtirsada ee Lubnaan, ayaa salka ku haya qul-qulatooyinka ka aloosan waddanka Syria, kaasoo Kooxaha ku dhex dagaalamaya Lubnaan kala taageersanyihiin Nidaamka talada haya ee Bashar al Aasad iyo Kooxaha ka soo horjeeda.
Gobanimonews
Middle East reporter
Email: editor@gobanimonews.com