Aniga oo ah Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), farxad gaar ah ayay ii tahay inaan maansadan gole kafuulka ah ee magaceedu yahay Dulqaad waa sed ugu duceeyo lammaanaha aan waalidka u ahay C/Risaaq Xuseen Axmed (Askar) Samiira Maxamed Cumar-Yey Oo uu 10/Ogos/2013-ka meherkoodu ka dhacay Scandinavian Hotel ee magaalada Hargeysa oo aan leeyahay Raxmaanku ha idinka dhigo reerkii aqal-galkooda ku gaadha guul iyo barwaaqo... Duco-waalid d ayaannu idiin diraynaa Aamiin...... Aamiin.........
Waa tan hawraartina:
Nolol suubban iyo
Sareediyo wanaag
Saldhiggoodu waa
Guur sahan leh oo
Lagu seeso guri
Saldhiggiisiisu yahay
Samo lagu kulmee
Samiiriyo Cabdow
Sunnahaa dhigee
Haddaad saamigiin
Jacayl qabo sadrigu
Summadaha dadnimo
Geyaan sugan arliga
Isku soocateen
Sifo loo bogiyo
Hadduu sawrac mudan
Sunnihii Islaam
Safka culimadiyo
Samatalisku meher
Isku kiin sidkoo
Sokeeyiyo xigaal
Sacabbada tumeen
Sadrigaa farxoo
Warka saaka yimi
Waa heer saroo
Sabadaad rabteen
Saxansaxo udgoon
Saaciyo naqaad
Sannadiyo gu'yaal
U samreysen baad
U heshoon sad oo
Waxa mahad leh sugan
Saatirkiyo Allaha
Himilada saxee
Isku siin simee
Mahad-naqa sujuud
Anna sadareed tixeed
Suugaan duco ah
Sebigiisa uu
Waalid siiyo yaan
Idin soorayaa
Guudkiinna sudhi
Samiiriyo Cabdow
Saymiyo kuwaan
Saxariir dhib arag
Sebbanada ifkaba
Saatir idinka yeel
Samiiriyo Cabdow
Labadaan saluug
Isku seeginee
Sida ul iyo diir
Saf u wada noqdee
Saacaddiyo haddeer
Sadrigooda dego
Jacayl samir dhalee
Saluuggana ka dheer
Sokeeyow noqdoo
Ubad suubbanoon
Sannifaad lahayn
Idin sii Raxmaan
Dulqaad waa sed iyo
Sallaan guul curshee
Daacadnimo sallaxan
Ixtiraam sal wacan
Ku sifooba'oo
Seermaweyda iyo
Dhul u sagal ku da'ay
Ku sugnaada oo
Sal-fudayd dhib liyo
Saranseer adduun
Sabool iyo rafaad
Saxal iyo xanuun
Diradira sun wada
Wax kastoo sirgacan
Saatirkeen kuwuu
Run ka samabaxshee
Ka salaamad gala
Safaad aanu lurin
Samiiriyo Cabdow
Saatir idinka yeel
saedmgahair@hotmail.com