Monday, August 12, 2013

Ma ogtahay halista caafimaad darro ee laga helay waxyaabaha la isku Udgiyo..!


(GNA) Maalin kasta waxaan marina Dusheenu ama maqaarka sare  waxyaalo dareera ah, kariimo, shambooyin iyo saabuuno si aan ugu carfino ugu udgino   uguna hagaajino nafteena. Inteena badan waxaan dooneynaa inaan nadiif ahaano udug wanaagsana lahaano.




Badanaa kama fakarno in inta badan waxyaalaha aan isku qurxino ay yihiin waxyaalo dhib noo keeni kara ama wasakh ku jirto, lakin dadka cilmi baadhayaasha ah waxay ogaadeen in sideed meelod meel ka mid ah 82,000 waxyaalood oo laga sameeyo alaabta aan isku qurxino ay yihiin kiimiko warshadeed.




Boqolkiiba sideetan ka mid ah lama tijaabin inay yihiin sun dadka wax u gaysan karta. Tusaale ahaan uduga  kiimikada waxay keeni kartaa ama kicin kartaa Alargi, Naqaska oo qabta qofka(Neef qabatin).




Carafta ama udugu waxyaalaha la isku qurxiyo waxaa loo tixgaliyaa inay yihiin sir ganacsi si kuwa sameeya aaney u soo bandhigin kiimikada ay isticmaalan.




walxaha udug leh kaliya laga ma helo sida  cadarada  iyo waxyaalaha la isku udgiyo, lakin waxaa laga helaa alaabta guriga laga isticmaalo oo dhan hadii ay ahaan lahayd kuwa wax lagu meydho ama kuwa wax lagu nadiifiyo oo dhan.
hadaba sunta waxyaalaha la,isku udgiyo hadii ay ku bataan halka aad ku nooshahay waxaad khatar ugu jirtaa in uu khaado beerkaagu xanuun aan markiiba ku soo ridan laakiin waa wax kugu maqan taas oo keeneysa in farahaagu qaadaan oo ay shey aad cuneysay ugudbiso beer kaaga .
hadaba si aanu uyareeyno waa in aanu ka hortagnaa is ticmaalka badan ee ashiyaashaa.
Hadii aad dayacdo difaaca jirkaaga adoo isticmaalaya waxyaalo badan oo sun ah sida suntaa cayayaanka lagu dilo, daawooyin, kuwa jidhka xanaaneeya, ugu danbayn kuma caawin doonan sidii loogu tala galay ama loo sameeyay.




Beerku waa xubin u shaqaysa si aan daal lahayn si ay jidhkaaga uga nadiifiso wasakhda iyo suntan. Hadii beerkaagu aad u shaqeeyo ama xanuun ku yimaado waxaad noqonaysaa mid dareema daal iyo tabar dari, waxaad u baahnaan doontaa inaad ka taxadarto beerkaga oo jeclaato, sababtoo ah hadii aadan Beer caafimad leh aadan haysan waxaad dareemi doontaa sidii mid sumaysan oo kale oo aan u dulqaad u lahayn urta sheeyada udgoon  , waxaadna noqon doonta mid si fudud u xanaaqa oo iska caraysan.




Ugu horayn waxaa muhiim ah inaad si daacad ah u eegto nolashaada iyo waxa aad cunaysid. Cuna nooce ah baad cuntaa taas oo Beerkaga culays u keeni karta? Cuna la farsameeyay,  ma cuntaa cunto ka timi oonta xoolaha , cuna si dabeeci ah loogu daray waxyaalaha dhadhanka leh, Sokor iyo milix kuwaas oo dhib wayn u keeni kara Beerkaga.




Kariimo nooce ah baad isticmaasha markii aad wax cunayso? Inkastoo calooshu aaney burburin kariimka, waxaa nuuga qaadayaasha dhiiga iyadoo soo maraysa maqaarka, wax kasta oo sun ah oo ku jira kariimka waxa ay tagayaan  Beerka isagaa fiiltar gareeya oo waxaa laga yaabaa hadii ay utagaan walax kiimika ah in ay isaga ku keenaan cilad caafimaad,ugu danbeentii
Kiimikooyinka kale oo khatarta ah ee saamaynta leh lakin aan saas looga warqabin waxaa ka mid ah “diethyl phthalate” ( hadii qofku isticmaalo diethyl phthalate waxay keeni kartaa indhaha qofta oo xanuuna iy hoos u dhac ku yimaada xaga neerfaha central nervous system.) waa mida   loogu isticmaalo badanyahay ee ku jira kiriimka shaanbooga cadarada qaar ka mida ama saabuunta jidhka ama ta dharka . waxyaalaha la isku qurxiyo ama la isku udgiyo ee inta badan ay isicmaalkoodu ku badan yahay dumarka.




Beerkaagu wuxuu noqon karaa mid caafimad qaba si fiicana wax u sifeeya waa hadii aad cunto cuno fiican oo caafimad leh. Beerku wuxuu la shaqeeya midabka cagaaran iyo dhadhanka khadhaadh, marka isticmaal khudaarta cagaaran sida “qudrada tamaadho saladhaka ” iyo “Barbarooniga” ama cuntada aad cuntay waa in aaney ka maqnaan liin dhanaatu taa ayaa disha sunta sida yar noogu raacda cuntooyinka aanu is ticmaalo.




Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com