Sunday, August 4, 2013

KHUBARADA BUR-BURKA – Qaybtii III- W/Qoray: Maxamuud Axmad Oday


Akhristow waxaa laga yaabaa, inay maskaxdaadu dhinacna u saari weydo cidda ay tahay “Khubarada Bur-Burku”? Haddii EEBBE idmo qormadan ayaad iyadoo faah-faahsan ku ogaanaysaa, cidda ay yihiin “Khubarada Bur-Burku”. Waan hubaa, haddii ad dalka ku sugnayd 22-kii sano ee u dambeeyay, oo aad qaan-gaadh ahayd, inaad malayn karto kuwa ay yihiin “Khubarda Bur-Burku”. Akhriste haddii ad tahay ciidankii xoraynta ee SNM, ama tahay dadkii halgankii SNM aad ula socday, waan hubaa inay sida cad-ceedda kuugu cad yihiin kuwa ay yihiin “Khubarda Bur-Burku”. Qormadan ayaan ku dhubbad-qaadi doonaa, ‘Khubarada Bur-Burka’ kuwa is-daba qabateeyay, ee ogaaday in haddii aanay ka hadhin dariiqa bur-burinta, ku-jiqsiida, xin-ka iyo xassadka ay khaatumo-xumaysanayaan. Iyo kuwa iyagu ku god-gelaya iyagoo ah shakhsiyaad-ka lagu xasuusan doono bur-burka iyo astamaaha xun-xun ee aan kor kusoo sheegay. Dabcan, towbadduna waa furan tahayoo, ALLAHA weyni cidda u tow-bad celisa waa u naxariis badan yahay.
 
Aynu ku noqonno waagii oo beryay, oo aan idiin sheegay in haw-galkii dhacay uu ku dhammaaday khasaare la’aan, iyadoo ciidankii iska soo horjeeday muddo saacado ka yar ay ku walaaloobeen, iyadoo ay xeradii guutada si nabad-qab ah ku wada joogaan, oo sidaa gabal wanaagsani ugu dhacay oo ay nabad ku seexdeen. Waxaa kale oo aan idiin sheegay, in waagaa beryay uu ‘Waa Baas’ u ahaa ‘Khubarada Bur-Burka’.
Habeenkaa magaalada Berberi aad bay uga xasiloonayd habeennadii bilihii ka horreeyay oo dhan. Intii habeenkaa ka horraysay, rasaastu si xarad-li’ ah ayay u dhici jirtay, xuufta gaadhiga qorigu saran yahay, sakhradda iyo saama-layl-kuna meel xun ayay joogeen. Habeenkaa, ciidan ilaalo-wareegto ah (rondo) ayaa magaalada gaaf-wareegayay. Ujeedka ay u wareegayaanna waa inay anshaxa iyo akhlaaq-wanaagga wixii ka hor-imanaya ay u sheegaan sida saxa ah, haddii uu diidana ay quyar saldhigga dhexe ku xidhaan.
Dhinaca kale, ‘Khubarada Bur-Burka’ oo uu ugu horreeyo Ibraahin-dhegawayne, waxay ku hawlanaayeen qorshe ay magaalada kaga baxaan. Waxay qorshaysteen, in habeenka qaarkiisa dambe ay magaalada kaga baxaan lug, oo ay tagaan ‘ ‘Gumbur-wannood’ halkaana gaadiid xeebta ka wareejiyaa uu ugu yimaaddo, Gumbur-wananood waa kurta ku taalla bariga magaalada, oo ay ag marto waddada qabata Biyo-guure, marka dambena u gudubta dhinacaa iyo degmada Xagal. ‘Khubarada Burburku’ waxay rabaan, inay tagaan Burco, dabadeed ay sameeyaan abaabul iyo kicin ka hor-jeedda qorshaha dawladda ee lagu qaramaynayo ciidamada, hub-dhigis-tana lagu samaynayo, qorshahaas oo ay hor-muud u yihiin Xassan Yoonis iyo C/laahi-darawal.
Iyadoo taliska dhexe ee ciidanka qaranka ee deggan xerada ‘Guutadu’ aanu ka xog-la’ayn qorshahan. Maxaa yeelay, taliska ciidanku waa ka war qabeen oo waa la socdeen in cidda doonaysay in aan la samayn hub-dhigista, cidda doonaysay in dagaal ka qarxo Berbera, cidda doonaysay in la fashiliyo qorshaha dawladdu ay yihiin ‘Khubarda Bur-burka’ oo ah kooxdii ku fashilantay qorshahan oo kale markii C/raxmaan-tuur u xushay, kooxdaasi waa ‘Khubarada Bur-burka’, waana Ibraahim dhega-wayne iyo saaxiibbadii. Hadda akhristow ha u qaadan saaxiibbada dhega-wayne ee aan sheegay inay yihii kuwan iminka ku wada jioraan Golahan lagaga dhawaaqay Hargeysa dhawaan. Arrinta aan aad ula yaabbanahay-na waxaa weeye, sida ay Xassan Ciise Jaamac oo ahaa madax-weyne xigeenka dawladdaa ciidankeeda la isku hor-taagay Berbera, iyo Ibraahin Dhega-wayne oo ahaa ninkii ciidankaa is hortaagay ee duminayay dawladdii waqtigaa, ay maanta wax uga dhaxaynayaan. Iyadoo weliba waxa isu keenay ay yihiin aynu wax toosinno. Xassan Ciise Jaamac, waa nin hadaf iyo hadal huffan leh. Ilaa maalintii la is-hortaagay dawladdaa uu ka ahaa madaxweyne-xigeenka iyo ilaa maanta oo ay is hayaan dawladda Siilaanyo, waa ninka aan hadal meel-ka-dhac cidna ku ah laga hayn. Waa ninka inuu gar-naqsado mooyaane aan cay iyo kharbudaad midna u heellanayn. Waa ninka Suldaankiisu uu ahaa, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Suldaan Mahad (ALLAH HA U NAXARIISTEE ), oo taariikhda ku gelaya sidii uu ugu hiiliyay Dawladdii Maxamed Ibraahim Cigaal, markii ay curdinka ahayd, iyo sida loo mahadiyay go’aankiisii uu subax keliya ku wareejiyay ciidankii beeshiisa dawladdii Cigaal, iyadoo aanay haba yaraatee jirin wax shuruud ah oo uu ku xidhay. Waa dhab haddii aanu Suldaanku muddakarka beeshiisa ka haysan taageero, in aanay waxba u qabsoomeen. Bal ka warrama haddii Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo beeshiisu ay odhan lahaayeen, dawladda la riday ee hore (dawladdii C/raxmaan-tuur) ayaannu madax-weyne xigeenka (Xassan Ciise) iyo abbaanduulaha ciidanka (C/laahi-darawal) lahaynoo, dawladdan (Cigaal) ma taageerayno. –Suldaanka, taariikhdiisa, gobannimadiisa, dun-wanaaggiisa, iyo siduu u yahay tiir lama illaawaan ah oo Somaliland dhisay mar dambe ayaan usoo noqonayaa- Haddaba, waa cajiibe sidee ayay wax uga dhaxayn karayaan Xassan Ciise Jaamac, iyo nin inuu wax kharbudo mooyaane aan wax wanaagsaniba u oollin ummadda horteeda, ninkaas oo ah Ibraahim-dhegawayne oo ah laacibka ugu fir-fircoon ee dhexda uga ciyaara‘Khubarada Bur-burka’. Khubarada Bur-Burku, waxay ku filqan yihiin Boorame, Hargeysa iyo Burco , sidaas ayaanuu Ibraahim-dhega-wayne ku yahay laacibkooda khadka dhexe.
Waan idinla fogaadaye, aan ku soo celiyo halkii ay inoo maraysay oo ahayd Khubardaa Bur-burka oo ku tashatay inay nus-ka dambe ka guura-galaan magaalada Berbera, oo ay raacaan dariiqa xeebta bari, sidaana ay ku gaadhaan Burco, halkaana ay ka sameeyaan abaabul iyo kicin ay kaga hor-jeedaan qorshaha qaramaynta iyo hub-dhigista ee dawladdu u wakiilatay Muj. Xassan Yoonis Habbane iyo Muj. C/laahi Xuseen Iimaan (C/laahi-darwal).




Habeenka nus-kiisii dambe ayaa ciidan roondo ah oo maraya agagaarka dusha xaafadaha Burco-sheekh iyo Jaama-laaye waxay arkeen dad ilaa todoba qof ah oo si dhuumasho ah uga baxaya magaalada. Haddii ay laydh-ka ku qabteen, ayaa dadkii yaacay, ciidankiina waa eryaday. Ciidankii waxay arkeen kuwa ay eryanayaan kuwa ay yihiin, sidaasna waxaa u suura-geliyay laydh-ka gawaadhida ay awateen. Waxaan u malaynayaa, inaanay ciidanka u qorshaysnayn inay cid qab-qabtaan, waayo waa ay qab-qaban karayeen, laakiin cidna sooma ay qaban. Subaxdii markii waagii beryay, magaalada Berbera sheekadu waxay ahayd in Ibraahin-dhegawayne iyo saaxiibbadii xalay oodaha jiidheen oo ay xaaladdoodu ahayd ‘Cadaaddu Carmo’, oo ay u baxsadeen Burco, isla markaana ay is raaceen rag kale oo kula jira xerta ‘Khubarada Bur-burka’. Maalintaas oo dhanna Su’aalo ayaa la is-waydiinayay, ay ka mid ahayd : Maxaa kallifaya in Ibraahin-dhega-wayne iyo xertiisu ay dhuumasho weliba habeennimo ah, guure iyo gararace ay kaga baxaan Berbera? Maxaa kallifay inay Dhega-wayne iyo xertiisu, ka hor-yimaaddaan qorshaha dawladdii SNM ee ku jirtay labada sano ee ku-meel-gaadh-ka ahayd. Dadka qofna uguma garaabayn Dhega-wayne iyo xertiisu, inay ka horyimaaddaan dawlad uu dhisay madaxweyne si sharci ah lagu doortay, madaxweyne shalay ahaa hoggaamiyihii SNM ee ay ka tirsanaayeen, madax-weyne hindisay oo keenay fikrad caafimaad-qabta oo ahayd in wax kasta laga horaysiiyo hub-ka-dhigis iyo ciidanka oo la qarameeyo, madaxweyne 1.2bilyan oo Sh. So/= u qoondeeyay hub-ka-dhigista iyo qaramaynta ciidammada. Laakiin, taasi uma dhaadhacsanayn ‘Khubarada Bur-Burka’. Taa bedelkeedana, khubarada bur-burku waxay arkayeen oo keliya in aanay iyagu ahayn kuwa hawshan qabanaya, sidaas darteedna waxay sax u arkayeen inay is-hortaagaan qorshahaas. Khubarada Bur-Burku marna kama ay fekerin, waxa ka dhalan-kara in laga hor-yimaaddo nidaam dawli ah oo isu taagay inuu wax-qabto. Khubarada Bur-burku marna kama ay fekerin, wakhti-xaadirkanna kama fekeraan haddii aad maamul sharci ah ku dumiso sifo sharci-darro ah, oo aad haddana is-tidhaahdo wax maamul, waxa kuu yaallaa inuu yahay, shalay maxaad ku dumisay kii saxa ahaa? Maanta maxaan ku qaadan karayaa kaaga? Iwm?.
Dhega-wayne iyo kooxdiisii waxay beerka soo saareen bannaanka Goobaare oo bari ka xiga Berberaiyo bacaadyada ka xiga tuulada Xagal, iyagoo marba dib iska eegaya oo ka baqaya inuu ka daba-yimaaddo Xassan Yoonis. Waxay ka baxeen dawga ‘Mirriye’ oo ku baxa tuulada loo yaqaanno Gebe-Gebe. Waxayna 1dii duhurnimo iyagoo kabna lulaya kabna laallaadinaya gaadheen magaalada Burco. Waxayna shir deg-deg ah ku qabteen guri loo yaqaannay ‘Guriga Munaafaqadda’ oo ahaa ka soo hor-jeedka Masjidka Al-hudaa ee Magaalada Burco. Inay sidaa yeeleenna, laba toddobaad ka dib waxaa ii xaqiijiyay saaxiib-kay Muj. Cismaan oo joogay Burco waqtigaa. Muj. Cismaan wuxuu ii sheegay sheeko aan aad ugu qoslay; wuxuu igu yidhi ‘Gurigaa ayaa galabtii nalooga yeedhay, markaannu gurigii tagnay ayaa saa waa Ibraahin dhega-wayne oo habaaska ku yaalla iyo rafaadka ka muuqda aad yaabayso, oo sariir gurada taalla sida gudub-ka ah (cross) ugu jan-qaraaray, oo cagaha iyo qaarka dambe laallaadaan, oo khuurada ka baxaysa aad yaabayso. Waa yaab-nay! Annagoo yaabsan, ayaa mid ka mid ah Khubarada Bur-Burka, oo isagu sarkaal shicib ahi, intuu suuliga ka soo baxay nagu yidhi ‘Xassan Yoonis naga hadhi maayo e’ halkan maku shiri karnaa iminka, mise meel kale ayaynu qabannaa’?.
Ninkaa dambe ee uu Muj. Cismaan ii sheegayaa wuxuu ka baxay khubarada cahdigii madax-weyne Cigaal, intii dambena wuxuu ka qayb-qaatay dib-u-dhiska dalka, haatanna wuxuu joogaa Koonfurta Suudaan.




Wixii ay qorsheeyeen Khubarda Bur-Burku . Iyo sidii taliskii ciidanka qaranku qorsheeyeen. Iyo sidii wax u dhaceen-ba kala soco Qormooyinka dambe.




La Soco Qaybta IV