Sunday, August 4, 2013

USA: Cabsi Soo Wajahday Maraykanka Oo Keentay In La Xidho 21 Safaaradood Oo Ku Yaalada Wadamada Carabta Iyo Afrika!.


WASHINGTON: (GNA)- Wasaaradda Arrimaha Debadda Dowladda Maraykanka gaar ahaan Laanta Socdaalka ee (U.S. State Department of Travel) ayaa Webkeeda ku daabacday 21 Safaaradood in ay xidhayaan todobaadkan gaar ahaan maalinta August 4, 2013. Safaaradaha la xidhayo ayaa ku yaalla badan koodu Wadamada Muslimiinta gaar ahaan Wadamada Carabta.




Sidoo kale waxaa ku jira Safaaradaha la xidhayo Safaarado ku yaalada Qaarada Afrika. Dowladda Maraykanka ayaa ka digaysa weeraro uga imaanaya Xarakada Alqaacido oo ay dhawaan Culimadooda ku xasuuqeen Diyaaradaha Drone’ka loo yaqaanno. Website’ka Laanta Socdaalka Maraykanka ayaa lagu sheegay Magacyada 21 Safaaradood ee la xidhayo Wadamada ay ku yaalaan!.




Waxaana kamida, Imaaraadka, Yemen, Sacuudiga, Afganistaan iyo kuwo kale oo badan, ka Eeg Waxaa lagu soo daabacay Webka Laanta Socdaalka Maraykanka Magacyada Safaaradaha la xidhayo  
Waa markii ugu horaysay ee Maraykanku uu shaaciyo Cabsida uu ka qabo Xarakada Al-qaacido isla markaana Albaabada la iskugu laabay 21 Safaaradooda. Marayknaka waxaa la ogaa Ciraaq in uu Ciidankiisa kala soo baxay isla markaana Afganistaan uu kala soo baxayo Ciidamadiisa Sanadka soo socda, laakiin wali ma shaacin in dagaalka uu kula jiro Muslimiinta Alqaacido looga adkaaday, balse  talaabadaan lagu xidhayo 21 Safaaradood ayaa muujinaysa Cabsida Maraykanku uu ka qabo weerarada Al-qaacido uga yimaada dhamaan mu waadiniinta mareyka ayaa waxaa lagu war galiyay in aaney u dhoofi kareyn dalalka la soo sheegay waxaa warka in uu ku daray in uu maalinta bari ah ee ay taariikhdu tahay 4-August in ay ka la baxayaan dublimaasiyiintii ka joogtay dalalkaa uu farta ku goday.




 




Diyaarintii:C/qaadir Askar




askars4@hotmail,com




Gobanimonews.com