Muqdisho(GNA)-Xukuumadda Somaliya ee Dam Jadiid, ayaa waxa ay aad uga walaacsantahay xukun ka tourista lagu sameeyay Xukuumadda Ikhwaan Muslimiinka Masar, ee uu hogaanka u hayay Madaxweynihii la inqilaabay ee Maxamed Mursi.
Xukuumaddii la inqilaabay ee Maxamed Mursi, ayaa waxa ay xiligii ugu dambeeyay ku howlaneyd fulinta ballamo badan oo ay horay ugu qaaday Xukuumadda Somaliya ee uu Hoggaanka u hayo Xassan Sheikh Maxamuud.
Madaxweynihii la inqilaabay ee Dalkaasi Masar, Maxamed Mursi, ayaa somaliyaa u balan-qaaday Hub iyo hanti maguuran ah, oo uu xiligaasi Mursi sheegay inay Xukuumaddiisu ugu deeqeyso Xukuumadda Somalia.
Xukuumadda Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hada wayday Hubkii iyo Hantidii kale ee ay ka sugaysay xukuumadda Mursi, arintan ayaana ka dambeysay ka dib markii si lama filaan ah oo dunida inteeda badan la yaab ku noqotay.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamed Mursi ayaa ahaa laba nin oo aad isu fahansanaa, si fudud-na isula jaan-qaaday dhinaca siyaasadda mudo ka hor markii xili isku dhow la doortay.
Xukuumadda Masar ayaa muddo yar ka hor intii aan la inqilaabin waxay saraakiil sirdoon ah u soo dirtay Muqdisho, iyadoo qorshaheedu ahaa wax u eeg inay somaliya ka weerarto dalka Itoobiya oo Khilaafkii dhinaca Biyaha Wabiga Nile-ku dhexdooda ka soo cusboonaaday, ka dib markii Itoobiya ku dhawaaqday inay samaysanayso biyo xidheen aad u balaadhan oo ay markaasi ka duwi doonto Wabiga Nile-ka Blue-ga.
Muddo aad u kooban ayaa ka dambeysay markii Maxamed Mursi xilka laga xayuubiyay, maalintii uu ku dhawaaqay in dadka Masaaridu u diyaar-garoobaan difaaca danaha Masar ee Wabiga Nile-ka.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com