Wednesday, August 21, 2013

Kalsoonidda Caalamiga ee Dahabshiil Wakhtiga loogu Dheereeyey Xawaaladaha.


 Wadamadda Caalamka Oo Kal Soonida Ay Ku Qabaan Shirkadda Dahabshiil Group Darteed Wakhtiga U Dheereeyey Xawaaladaha Soomalida,ayaa mar kale waxa uu Baanka gaarka looga leeyahay dalka Ingiriiska ee Barclays ayaa mar kale waqti dheeraad u ogolaaday wadashaqaynta kala dhaxaysa shirkadda Dahabshiil, iyadoo go’aan uu hore bangigu ugu gaadhay inuu xidhayo xisaabaadka xawaaladaha ay ka hadheen maalmo koobani.




Wada hadaladii u socda Baanka Barclays iyo shirkadda Dahabshiil oo la xidhiidha wadashaqayntooda, ayaa mar kale madaxda Bangigu ku go’aansadeen inay muddo kale ay siiyaan wadashaqaynta ka dhaxaysa shirkadda Dahabshiil ee u fududaysa lacagaha ay ka dirto gudaha dalka Ingiriiska, kadib markii uu Maareeyaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group uu mar kale hadana Baankaasi ka dalbaday in uu siiyo wakhti intaasi ka badan oo ay ku dhamaystaan arrimahooda,waxaana uu yidhi.“waxaannu waydiisanay Bangiga Barclays inuu na siiyo muddo lix bilood oo dheraad ah si aannu u awoodno xal u helideeda wada shaqaynta bangiga iyo xawaaladaha somaalida.” Sidaa waxa yidhi Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale oo waraysi uu la yeeshay Agaasimaha Mac-hadka cilbaadhista Afrika (Africa Research Institute) Mr. Edward Paice.




 sida uu sheegay maamulka sare ee   Bangiga  gaarka loo leeyahay dalka Ingiriiska ee Barclays oo isagu  mar kale u kordhiyey xiligii uu u qabtay iska xidhidda wada shaqayneed ee xawaaladaha Somaalida Kaas oo ahaa Bangigiga ka keliya ee ay isticmaali jireen.




Dhanka kalena Dadka arimahaasi ka faalooda ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Bangiga Barclays tahay mid saamayn ku yeelanaysa dadka Soomaalida ah, waxaannu tilmaamay sida xal loogu heli karo go’aanka uu qaaday bangigu markaa waxa loo baahanyahay in dawladda Ingiriiska iyo dhammaan dawladaha kale ee danaynaya lacagahan dadku ku nool yihiin inay arrintan soo dhexgalaan oo ay Bangiga ku qanciyaan inay Soomaalidu ka duwan tahay caalamkaa kale.




Dhaqaalaha dunidu waxa uu ku salaysan yahay dal wabilba sida uu wax-soo-saarkiisu yahay oo salka ku haysa xagga aqoonta bulshadaasi leedahay iyo ganacsiga furfuran ee xorta ah. Soomaaliya waxay ka mid ahayd waddamadii Afrika ee dhaqaalaha fiican haystay ka hor intii aanay burburin dawladdii milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare hoggaaminayey. Waxyaabaha ugu badan ee ay ka soo xaroon jireen ilaha dhaqaaluhuna waxa ka mid ahaa xoolaha nool iyo wax-soo-saarkii beeraha oo meel fiican marayey,Kuwaas oo ah ganacsiga kaliya ama waxa kaliya ee ay dadka somalida ahi u kala gudbiyaan dalalka caalamka taas oo ah lacagaha ay dadka qaraabada ahi isku diraan isla markaasina waxa Soomaalida kaalintoodii u galay shirkadaha xawaaladaha oo uu ugu horreeyo kambaniga caanka ah ee Dahabshiil Groups oo ka mida sababaha uu Ilaahay ku badbaadiyey dad badan oo Somaliyeed, kuwaas oo ay shirkadda Dahabshiil ka caawisay dhinacyada dhaqaalaha, nolosha qoysaska danyarta ah oo haddii aanay Dahabshiil jiri lahayn in badan oo ka mid ahi soo gaadheen heerka ay maanta taagan yihiin.




Maamulaha guud ee Dahabshiil waxa uu rajeeyey in wadahadalka u socda shirkaddiisa iyo Baanka Barclays oo muddo ka badan 15 sanno ay wada shaqaynayeen uu ka soo baxo heshiis ay muddo dheer oo kale ku sii wadasheeyaan, isla markaana waxa uu xusay in shirkadda Dahabshiil oo sharciga shaqada ka haysata dawladda Ingiriisku shaqo miisaan leh oo lagu qadariyo ka hayso dalkaasi. Waxaannu walaac ka muujiyey natiijada ka dhalan karta tallaabada uu qaatay Bangiga Barclays oo saamayn xun ku yeelaysa 40% dadka Soomaalida ah oo noloshoodu ku xidhan tahay lacagaha dibadaha ay uga soo diraan ehaladoodu, kuwaas oo ku xidhan kumanaan xarumood oo ka shaqeeya dhulalka Soomaalidu ku nooshahay.




Sidoo kale Khabiiradu waxa ay sheegeen in xawaaladahu ay ku tiirsanyahiin %99 dadka soomaaliyeed oo dagaalo, colaado, burbur halakeeyeen, marka maanta dawladdii ingiriiska oo




 By.Maxamed Axmed




Hargeysa