Qahira (GNA) maxkamad ku taala dalka masar ayaa waxa ay go,aamisay in la siidaayo madaxweynihii hore ee dalka masar maxamed xusni mubaarak.
mubaarika waxa uu racfaan ka qaatay xukunka lagu riday oo da,diisu tahay 85-jir
maxkamada danbiyada ee magaalada qaahira ee dalka masar ayaa amarku bixisay in la siidaayo madaxweynihii hore ee masar max,ed xusni mubaarig sida uu sheegay tvga qaranka masar.
maxkamada danbiyada qaahira ayaa riday xukun in la sii deynka rayo madax weynihii hore ee masar xusni mubaarik.
tvga qaranka masar oo xiganaya garsoorka maxkamada ayaa sheegay in la sii deynka karayo madaxweynihii hore ee masar mar hadii lagu waayay dacwadihii maanta lagu qaadi lahaa ee hore ee lagu soo eedeeyay oo aheyd in uu hadyado qaaliya ka qaatay hayad warbaahineyd ee al-ahwaa ,
qareenka xusni mubaarik ayaa sheegay maxkamada xukunkan ay riday in ay bixiyeen qiimaha hadyadihii lagu soo eedeeyay. qareenka ayaa rajeeyay in la siideyn doono maal maha soo socda.
max"ed xusni mubaarik oo da,diisu tahay 85-jir ayaa sanadkii hore 2012 lagu xukumay xabsi daa,in oo lagu soo ee deeyay dil ka dhan ah dibad baxayaashii ku geeriyooday 2012ka xiligii kacdoonka masar.
laakiin maxkamada imika sii deysay ayaa aqbashay maxkamada racfaanka wadaka masar xukunkii lagu riday mubaarik bishii janeuny ee sanadka taas oo ogolaatay in dib loo maxkamadeeyo.
Diyaariye:Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com