Wednesday, August 21, 2013

Sarkaal ka tirsanaa Dowladii Maxamed Siyaad oo lagu xukumay 15 Milyan oo doolar dalka mareykanka


(GNA) Maxkamad kutaala Dalka Mareykanka ayaa lacag malaayiin Dollar ah waxa ay ku xukuntay in uu bixiyo mid kamid ah la taliyaasha Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii lagu helay eedeemo loo soo jeediyay.




 




 




Abukar Hassan Ahmed oo ah La taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh ee dhanka sharciga sida ay xaqiijiyeen Diplamaasiyiin Madaxtooyada kusugan horeyna uga tirsanaa Saraakiishii Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa Maxkamad kutaala Dalka Mareykanka waxa ay ku xukuntay bixinta lacag magdhaw ah oo gaareysa ilaa 15-Milion oo Dollar.




 




Masuulkan la taliyaha u ah Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dhibaatooyin Dalka Soomaaliya ka dhacay loona geestay dad rayid ah xiligii Dowladii Maxamed Siyaad Barre  




Qaadiga Maxkamada Xukunka riday oo lagu Magacaabo Mark Abel ayaa Abuukar Hasan Axmed ku eedeeyay in lagu soo oogay dacwad ah inuu geystay xadgudubyo ka dhan ah Bini-aadanimada oo ay ka mid yihii jir dilo sanadkii 1980.








 




Abuukar Hasan Axmed oo ah ninka Magdhowga gaadhaya 15 Million la dul dhigay ayaa sheegay in jirdilka uu dhacay markii Col. Cabdi Aadan Magan uu ahaa madaxii danbi baarista ee hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed,isagoona sheegay in si qaldan wax la isku daba mariyay




 




Dhageesiga Dacwada loo heestay Abukar Hassan Ahmed ayaa soo bilaabatay Sanadkii 2010-ka iyadoona ugu dambeyn Maxkamada Dacwadaasi qaadeysay ay Abukar Xasan ku xukuntay Bixinta Magdhaw la siiyo dadkii eheladooda wax ku noqdeen dhibaateenta lagu soo eedeeyay.




 




 








Wali wax war ah kama soo bixin La taliyaha Madaxwenaha Soomaaliya ee lagu xukumay lacagtaas tirada badan bixinteeda ,waxaana Dalka Mareykanka sidoo kale kasocda eedeemo iyo dacwado loo heesto Masuuliyiin sar sare oo xilal kasoo qabtay Dowladii Kacaanka Soomaaliya uu Hogaamin jiray Jaalle Maxamed Siyaad Barre kuwaa oo loo heesto Tacadiyo iyo dhibaatooyin ay geesatay Dowladii Dhaxe ee Dalk




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com