Tuesday, August 20, 2013

Kalfadhigii Saddexaad Ee Golaha Degaanka Degmada Boorama Oo Maanta Si Habsamiya Uga Qabsoomay Hoolka Shirarka Dawlada Hoose Ee degmada Boorama+SAWIRO


Gobanimo news{borama}Golaha deegaanka ee degmada boorama ayaa maanta yeeshay kalafadhigoodii sadexaad ee caadiga ahaa iyaga oo ay kala soo qayb galeen 19 xildhibaan oo kamida golaha deegaanka degmada borama




Kalafadhigan ay maanta ay ku kulmeen golaha deegaanka ee degmada borama ayaa waxa ku wehelinayey badhasaabka gobolka awdal cabdoo axmed aayir




 Kalfadhiga sadexaad ee golaha deegaanka degmada borame ay maanta yeesheen ayaa waxa si rasmiya ufuray gudoomiyaha golaha deegaanka degmada borama md: saleebaan xasan xadi




{Maanta oo ay Bishu ay tahay 20.08.2013 ayaa waxa si rasmiya uu furaya kalafadhigii sadexaad ee cadiga ahaa ee golaha deegaanka degmada Borama iyada oo kalfadhigan Maanta uu ahaa Kalafadhiga Markii Hore Loo Qorsheyey In Uu qabsoomo Bishii Hore Iyada oo ay kaga Soo Dhacday Bishii Barakaysnayd ee ramaadaan isla Markaana la isla Qaatay In La Qabto 20 bisha danbe oo Maanta Ku Beegnayd} ayuu yidhi gudoomiyaha golaha deegaanka degmada borama saleebaan xasan xadi




Qodobada manta ay ka doodayeen golaha deegaanku ayaa ka koobnaa 7qodob oo uu madasha shirka ka akhriyay maayirka borama saleebaan xasan xadi kuwaasi oo kala ahaa.......




 




 1.Warbixinta Gudoomiyaha ee 3 bilood ee la soo dhaafay iyo Waxyabihii uu Qabsoomay..




2.Waxyabaha uu Qabsoomay Gudi Hoosaadka Golaha Iyo Gudoomiyashooda..




3.Caqabadaha ka horyimid Hawlihii loo Igmadey Gudi Hoosaadyada Golaha Deegaanka…




4.Dib U Eegista Qodobada Xeer Hoosaadka Golaha Ee Wasaarada Arimaha Guduhu Dib u Soo Celiyey…




5.Hirgelinta Maamul Daadejinta 4tii Xarumood Ee dawlada Hoose Ee Waxaha Magaalada Borama…




6.Dib U Sixida Naqshada Guud ee Magaalada iyo Samaynta Master Planka Magaalada..




7.Samaynta qorshaha Horumarineed Ee Degmada 5ta Sano Ee Soo Socda…




 Waxa kale oo isagna goobtaasi ka hadlay badhasaabka g.awdal cabdoo axmed aayir oo hadalo waano uu badan uu soo jeediyey xildhibanada golaha deegaanka ee degmada borama.




<waxa aan idiin rajaynayaa in aad mawaadiicda idiin yaala ee manta idiin ajandaha ah inaad si sharaf le oo mangale oo degmada wax ku ool u ah degmadana horumarkeeda ku salaysan oo idinka isku xidhnaan tiina iyo karaamadiina ku salaysan in aad ku xisabtantaan> sidaasi ayuu yidhi badhasaabka gobalka awdal




 Intaasi ka dib waxa dibada uga soo baxay kalfadhigan badhasaabka gobalka awdal waxayna xildhibaanadu si  rasmiya ay uu gudo galeen kalfadhigoodii sadexaad kaasi oo ahaa mid albaabadu u xidhnayeen islamarkaana ay saxafadu dibada ka joogtay




Markii uu soo gabagaboobay kalfadhigii sadexaad ee manta sida rasmiga uga furmay hoolka shirarka xarunta dowlada hoose  ayaa waxa warbaahinta uga warbixiyay  gudoomiyaha gola ha deegaanka saleebaan xasan xadi kaasi oo sheegay in uu kalafadhigan furmay ilamarkaana uu socon doona mudo 20 maalmood ah waxa kale oo intaasi kudaray gudoomiyuhu inuu kalfadhigani yahay kii sadexaad ee caadiga ahaa  kaasi oo dib uga dhacay bishii Ramadan balse manta si rasmiya u furmay




 Si kastaba ha ahaate kalafadhigan ay maanta yeesheen xildhibanada golaha deegaanka ee degmada borame islamarkaana socondoona mudo 20maalmood ah sida u ka dhawaajiyay maayirka degmada borama saleebaan xasan xadi ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili mudooyinkii uu danbaysay la hadal hayay khilaaf soo kala dhexgalay golaha deegaanka ee degmada borama




Wariye:mustafe caraale




caraale_143@hotmail.com




borama office