Tuesday, August 20, 2013

SLN: Wasiirka Khaarajiga oo shaaciyay Safar uu Sayladaha siyaasadda ugu Iib geynayo gooni-isutaaga Dalkiisa iyo natiijada Socdaalkiisii Nairobi


Hargeysa(GNA)-Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Yoonis waxa uu markii ugu horaysay  mudo bil ku dhawaad ah oo uu xilka hayay, ka dib Warbaahinta la hadlay Maanta Salaasa ah, waxaanu sharaxaad kooban ka bixiyay Qorshihiisa siyaasadeed ee uu Waajahayo, isagoo tix-raacaya dariiqyadii xukuumaddu hore u jeexday.




Tani waxay ka dambeysay su’aalo ay dadka arrimaha siyaasadda ku foogani is waydiinayeen oo la xidhiidha aragtida siyaasadeed uu wato iyo bar bilowga qorshihiisa shaqo ee uu ku sii amba qaadayo hawsha siyaasadda Khaarajiga Somaliland oo dadka qaarkii si weyn u dhaliilayeen sanadihii ugu dambeeyay,iyadoo loo arko inuu yahay khabiir dhanka diblomaasiyadda ku xeel-dheer.




Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, Warfidiyeenada kula hadlay, Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inuu Geed dheer iyo geed gaabanba u fuuli doono sidii uu mujtamaca Caalamka uga dhaadhicin lahaa qadiyada madaxbanaanida somalland, taasoo ah dood ay mudo 23 sanadood ah soo kala dhaxlayeen Wasiiraddii xilka loo magacaabay u kala dambeeyay.




Inkasta oo sida uu sheegay uu beegsan doono dhamaan Wajiyada Caalamka ee taladu ka go’do, oo ay ka mid yihiin Ururadda Caalamiga ah iyo dalalka wax laga waydiiyo siyaasadda aduunka.




“Waxaan geed gaaban iyo geed dheerba u fuuli doonaa sidii aan qadiyada Somaliland ugu iib geyn lahaa caalamka, waxaanan la xidhiidhi doonaa waddamada caalamka ee taladu ka go’do, Ururadda Caalamka, sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, jaamacadda carabta iyo meel kasta oo arimaha Somaliland aanu gaadhsiin karno.




Waxaanan u baxayaa Safar Dheer oo mudo inu qaato laga yaabo, waxaan u tegayaana waxa weeye sidii aan qadiyada Somaliland meel uga midho dhalin lahaa, waxaanan tegayaa meel kasta oo danta somaliland ku jirto oo caalamka ka mid ah”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yonis.




Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku aadan geedi socodka wada hadalada waddankiisa iyo Somaliya, waxaanu sheegay inay taasi bilow fiican tahay oo natiijo wanaagsan laga fili karo “Dalka Turkiga waxa ka socda wada hadalo, arintaasi waxaan u arkaa inay bilow fiican tahay, wax wanaagsanina ka soo bixi karaan”.




Mar uu ka hadlayay waxyaabaha uu kala soo laabtay safar uu dhawaan ku tegay Magaalada Nairobi ee xarunta u ah inta badan Hay’adaha mucaawimooyinka siiya Somaliland iyo somaliya, waxa sheegay inuu kulamo la yeeshay madaxda Hay’ada Qaramada midoobay iyo midowga Yurub ee Mandaqadda, isagoo tilmaamay inuu ka hadlay dhaw arimood oo ay ugu weyntahay mawqifka dawladiisa ee shirka lagu dejinayo mucaawimooyinka somaliya ee Brusels ka dhici doona bisha September.




 “Nairobi waxaan kula kulmay Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, waxaan kala hadlay sidii ay noola shaqayn lahaayeen annagoo dawlad madaxbanaan ah, waxaanan u sheegnay inaanaan ka qayb-gelayn shirka Brusels ka dhacaya bisha September oo aanaan marna marti u noqonayn meel ay ku wada hadlayaan somaliya iyo dadyowga kale, laakiinse aanu u diyaar nahay inaanu la shaqayno Midowga Yurub iyo dhamaan beesha Caalamka oo aanu uga baahanahay dhaqaale iyo wixii ay na tarayaan, arintaasi waanu u sharaxnay aniga iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranku, waxaanay ku qanceen oo way garowsadeen, wada hadalo ayaana noo socda wali, waxaanay soo dirayaan Koox ka socota Baanka aduunka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, kuwaasoo aanu u qeexi doono waxyaabaha aanu uga baahanahay”.




“Somaliland waa nidaam jira oo Caalamka ka mid ah, lama dafiri karo, waxaanan diyaar u nahay inaanu la shaqayno cid kasta oo wax nala qaban karta, iyadoo aanay meesha ka madhnayn inaynu dhaqaalaheena kobcino”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Wasiir Yoonis oo shirka Jaraa’id ay saxaafaddu su’aalo kala duwan ku waydiiyeen, ayaa carabka ku adkeeyay aragtida ay Somaliland ka qabto shirka Brusels.




Shirka Brusels waa mid Khuseeya arimaha dawlada xamar  ee la nabadeynayo, markaa marti u noqon mayno annagu shirkaasi, arinta dhaqaalahana waanu u sharaxnay dawladihii bixinayay waanay naga aqbaleen, waxaanan ku dedaalaynaa sidii aanu dhaqaalaha ay nagu caawinayaan qaybtayada noogu siin lahaayeen si madaxbanaan, weftibaanay noo soo dirayaan dhamaan qaadhaan bixiyayaashu”.




Maxamed Biixi Yoonis ayaa ah Nin Mudo dheer ka soo shaqaynayay Hay’adaha qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, xilal kala duwan oo meeqaamkoodu gaadhsiisanyahay ilaa heer danjire-na ka soo qabtay, taasoo dad badankiisu u arkaan in kaadhka uu sito ee dhanka diblomaasiyadu u fududeyn doono al-baabo badan oo wasiiradii ka horeeyay laga furi waayay.




Ha yeeshee waxa horyaala caqabado badan oo dhanka maamulka ah iyo la jaanqaadista Xukuumadda uu ku soo biiray, taasoo ay dheertahay sida uu Saaxiibo badan oo uu leeyahay uga dhaadhicin karo u ololeynta Dal go’doon aan garowshiyo lahayn kaga jira caalamka, isla markaana ku yaala Mandaqad aanay Dawladaha ka dhisani awood siyaasadeed ku lahayn dunida, kuna tiirsanyihiin taageero dhaqaale oo ay ka helaan dalalka dhaqaalaha iyo siyaasada horumarka ka gaadhay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com