Muqdisho(GNA)-Xarakada Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisadaha ka oogan dalka Masar iyo rabshadihii badani ku dhinteen ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada Qaahira.
War kooban oo lagu baahiyay barta Twiter-ka ee Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Milateriga dalkaas uu xoog ku qabsaday, kuna afgambiyay dowladdii uu hogaaminayay Maxamed Mursi ee Ururka Ikhwaanul Muslimiinka, intaasi ka dibna ay Milaterigu Hub iyo Saanad Milareri adeegsanayaan Shacbiga, kaasoo ay ku gumaadayaan.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in tallaabooyinka ay qaadeen Milateriga Masar ay muujisay go'aankoodii ahaa inay laayaan dadka Muslimiinta.
"Hubka ay haystaan ciidamada Masar kulam dagaalami yaqaaniin Yuhuudda iyo kuwa la mid ah ee doonaya inay dhulalka muslimiinta qabsadaan, balse waxay ku xasuuqayaan oo keliya muliminta dalkaas ku nool, si aY sanka uga geliyaan xukunooda kali-talisnimada ah" ayaa lagu yidhi qoraalka Al-shabaab soo dhigay barta Twitter-ka.
Al-Shabaab ayaa ugu baaqay Ururka Ikhwaanul Muslimiinka inay hubka qaataan, isla markaana difaacaan natoojooyinkooda, iyagoo kula taliyay inay iska dhaafaan waxa ay ugu yeereen dimoqraadiyada.
Banaan baxyadii u dambeeyay ee ka dhacay dalka Masar ayaa waxaa ku dhintay in ka badan kun ruux, kadib markii isku dhacyo ay dhex mareen ciidamada ammaanka iyo taageerayaasha Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Maxamed Mursi.
Hadalka ka soo baxay Al-shabaab ayaa u muuqda mid ay ugu gacan haadinaayan abuurista Xidhiidh ay la yeeshaan Ururkaasi, waxaana lagu tilmaami karaa mid ka mid ah Fariimaha ay Kooxdu u isticmaasho dhinaca Diblomaasiyada iyo inay gacan saar la yeelato Kooxaha ka jira Mandaqada Carabta ee magacyada Islaamiga ah xambaarsan.
Gobanimonews
Muqdisho Office