Friday, August 2, 2013

Kabtanka Lazio Stefano Mauri Oo Garoomada Laga Ganaaxay Muddo Lix Bilood Ah.


Xiriirka kubada cagta Talyaaniga ayaa ganaax lix bilood ah ku soo rogay ciyaaryahanka kooxda Lazio Stefano Mauri isagoo lagu helay danbi ah inuu ku lug lahaa qamaar sharcidarro ah oo natiijooyin ciyaar lagu sii qorsheeyay.




Kabtanka kooxda caasimada ka dhisan ayaa baaritaan uu ku socday, iyadoo ay soo baxeen in natiijooyinka kulamadii Lazio-Genoa ee 14kii May 2011, iyo Lecce-Lazio ee 22kii May 2011, natiijooyinkooda la sii qorsheeyay si qamaar lacag badan ah loogu guuleysto.




Dacwad oogaha xiriirka kubada cagta Talyaaniga Stefano Palazzi ayaa ku baaqay in ciyaaryahanka Talyaaniga laga mamnuuco kubada cagta muddo afar sanno iyo lix bilood madaama uu qeyb ka ahaa fadeexada qamaarka.




Palazzi ayaa sidoo kale ku baaqay in Lazio, Genoa iyo Lecce dhibco laga jaro xilli ciyaareedka 2013-14.




 




 




Laakiin guddiga dishibiliinka ayaa Mauri ku ganaaxay kaliya lix bilood, halka Lazio lagu ganaaxay iyadana kaliya ganaax lacageed oo 40 milyan euros ah.