Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Muqdisho md Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ahna duqa magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu shalay si layaab leh u weeraray odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdisho isaga oo is barbar dhig ku sameeyay Madaxdhaqeedka reer Somaliland iyo Somalia sida ay ugu kala duwan yihiin marka ay noqoto nabadaynta iyo Xalinta Khilaafaadka.
duqa magaalada Muqdisho maxamuud Axmed Nuur oo Magaaladda Muqdisho Warbaahinta kula hadlaayay ayaa si Cadho ka muuqato u weeraray Odayaasha iyo Madaxdhaqameedka magaaladda Muqdisho oo uu ku tilmaamy inay Xidhiidh dhaw la leeyihiin kooxaha Xag jirka ah sida Kooxda Al-shabaab,waxana uu sheegay inay Odayaaasha iyo Madaxdhaqameedka Somaliland ay iyagu saldhig u yihiin nabada ka islaaxday Somaliland isla markaana aanay habeen Kooxda Al-shabaab u hoyan Karin Somaliland, halka uu kuwa Somalia-na ku tilmaamay Caado qaatayaal dhiiga dadkooda Caba.
“Odayaasha Somaliland iyaga ayaa waxa ay saldhig u yihiin amaanka deegaanadaasi. nabada iyaga ayaa hor seed u ah,Deegaanadaasi oo dhan Shabaab habeen kuma hoyan karo. Deegaanadaasi laguma nabadeyn ciidan tira badan oo la geeyay. ciidan tira badana waxba tarimaayaan. Maxaa ku dhacay odayaasha dhaqanka Muqdisho. Ma waxa ay noqdeen calooshood u shaqeestayaal caada qaatayaal ah oo dhiiga shacabkooda iibsanaya? Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa cod dheer ku yidhi”
Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ma keenin cadeyn uu ku muujinaayo xariirka uu sheegay in uu ka dhexeeyo odayaasha Soomaaliyeed ee shacabku ay aad ugu kalsoonyihiin kuna tilmaamaan marjaca loo laabto hadii wax qaldamaan,weerarkaan Tarzan uu ku qaaday odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay jawaab adag ka bixiyaan dhaqanka muqdisho oo ah saldhigga dowlada hada jirta kuwaas oo aysan suura gal ka aheyn in ya Shabaab xariir la yeeshaan”
Wariye Mr Hudle
Email:Shabachudle@gmail.com
Gobanimonews@gmail.com/Hargeysa Head Office/Somaliland