Burco(GNA)-Dawlada Hoose ee Burco ayaa boob xoogan ku haysa dhulkii danta guud kadib markii tiroba laba kaalmood oo ka mida kaalmihii dawladii hore ee siyaad bare lahayd isla markaana ay dad shicib ahi ku jiraan oo haysta ay dawlada hoose ee Burco mulkiyad u samaysay wiigan gudiiisa Dadkii haystay.
arintan ayaa sababtay qaylo-dhaan ka soo yeedhaysa Isuduwaha Wasaaradda hawlaha guud ee Gobolka Togdheer Xasan Qawdhan warsame(Xasan caanakariye), kaasoo sheegay inay dawlada hoose ee Burco faro-baas ku hayso Dhulka danta guud ee Magaalada.
Xasan Qawdhan Warsame oo Maanta la hadlay Gobanimonews ayaa sheegay “Dhulka Danta guud ah waxa boob iyo farabaas ku haya dawlada hoose,wareeg tooyinka Madaxwaynahana way iska dhega tiraan oo ma daneeyaan anaka ayaa gacanta ka wada saarnay,waxa la joojiyay oo digreeto madaxwayne lagu joojiyay fidinta magaalooyinka ilaa amar danbe in fidinta magaalooyinka la joojiyo,waxa kale oo la amray inay danta guud wixii hawlaha dhul ah ee ay u hayaan ay kusoo wareejiyaan hawlaha guud,fidintiina may joojinee way wadaan oo saakadan bay wadaan waraaqihiina waanu gaadhsiinay digretooyinkiina waanu gaadhsiinay digreetooyinkii madaxwaynaha iyo kuwii wasiiradaba waxna ka dhegaysan maayaan,waxay bixinayaan dantii guud, shacabkii hantidii dawlada cid wax ka qabatayna ma jirto,iyana waa nala soo doortay uun bay yidhaahdaan, qofkii shacabka ahaana waxa uu odhanayaa aniga dawlad baa i siisay oo dawladii waa isku mid oo dawlad baan u aqaanaa, halkay danta guud ak lunsantahayna waa halkaas,wixii beera ah ee ay sarfay gareeyaan danta guud ee ka soo baxana iyaga uun baa isticmaala ee wax umada wax tara maaha,markaas anagu waaanu u baaqaynaa dawlada waa in uu burco yimaado odhitku”ayuu sheegay Qawdhan.
Waxaanu intaasi ku daray “dulka hantida dawlada ah arka oo meeshay qabatay arka oo dhugmanka la hayo iyo ciday bixisay arka gacan adagna wax lagaga qabto qaab heer qarana wax looga qabto ”.
Isu duwaha oo ka hadlaya kaalmihii dawadiii hore lahayd oo oo ay hada Dad shicib ahi ku ganacsadaan oo ay haystaan isla markaana ha dhul dawladood una diiwaan gashan wasaarada hawlaha guud waxa uu yidhi ''anaga kaalmuhu way noo diiwaan gashanyihiin waxaana taala cida iska fogaysa qoraalkeeda ayaan ka fogaanayn cida isku dhawaysana hadaan qoraal laga hayn dee qoraal lagama hayo,markaas cidii bixisay waanu haynaa qoraalkeedii waanay ogtahay dawladu cida bixisay iyo cida aan shaqo ku lahayn,anagu hawlaha guud ahaan cidii waraaq ay qortay hayaa ala kaalayo dhulkaasna waxa bixsay dawlada hoose iyo cidii ku taageeraysay”ayuu yidhi.
si kastaba ha ahaatee waxay boobka Hantida dawlada ee la boobayaa waxba kama jiraan ka dhigaysaa wareegtadii uu madaxwayne Axmed Maxmuud kasoo saaray dhulka dawlada,waxaanay ka maragtahay tahay boob ka hantida umada ee ay ku eedaynayaan golaha wadatashiga ee dhawaan hargaysa lagaga dhawaaqay kuwasoo ay xukuumada madaxwayne siilaanyo indhaha ka lalinayso musuqa iyo boobka hantida ee ay uga faa'iidaysanayso danaha siyaasdeed.
Axmed Muuse
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com