“Anigu Nin Dhuuman Kara Ma Ihi Oo Haddii Somaliland Imanayo, Waxaan U Iman Lahaa Si Cad Oo Dawladdu Iyo Shacbiguba Ogyihiin” Wasiirka Amniga Somalia C/kariin Guuleed
“Marna ma iman Hargeysa anigu waxaanan u arkaa Arrimo Siyaasadeed oo Somaliland dhexdeeeda ah inay adeegsanayaan”
“Heshiiskii Dhinaca Hawadu Waa Sidii Lagu Heshiiyey, Imikana Meel Fiican Ayey Noo Maraysaa”
Wasiirka(Gobanimonews)Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dawladda Federaalka ah ee Somalia C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa ka hadlay warar sheegayey inuu Maalmihii ugu dambeeyey uu ku sugnaa Magaalada Hargeysa.
C/kariin Xuseen Guuleed oo Xalay Khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo isaga oo ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay, wararka sheegayey inuu maalmihii u dambeeyey qarsoodi ku joogay Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Dakhilada ee Somalia C/kariin Guuleed, ayaa waxa uu sheegay inuu Socod ku maray Madaarka Magaalada Berbera Maalintii Khamiistii ee Todobaadkii hore, isaga oo ku sii jeeda Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Wasiir Guuleed waxa uu sidoo kale ka hadlay in Heshiiskii dhinaca hawada ee Somaliland iyo Somalia ay wada gaadheen dhowaan aanay waxba iska bedelin, isla markaana ay dhowaan si wada jir ah u samayn doonaan Guddidii amba qaadi lahayd Hawshaasi.
Waraysiga aanu Xalay la yeelanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Xalay Waxa uu u dhacay Sidan:-
S: Wasiir waxaad nooga Warrantaa wararka sheegaya inaad Hargeysa Timid?
J: Walaal Arrintaas mid jirta maaha, waxaana la weydiin doonaa cidii qortay, laakiin haba yaraatee wax ka jiraa ma jiraan.
S: Hadda Xagee ayaad igala Hadlaysaa Wasiir ?
J: Imikana waxaan kaala hadlayaa Magaalada Muqdisho, waxaanan Maanta ka soo laabtay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta, waxaanan ku arkay Websityada anoo jooga Magaalada Dubai
S: Marna Ma timid Magaalada Hargeysa Wasiir?
J: Marna ma iman Hargeysa anigu waxaanan u arkaa Arrimo Siyaasadeed oo Somaliland dhexdeeeda ah inay adeegsanayaan u arkaa inay yihiin.
S: Wasiir Madaarada Somaliland midna Socod ma ku martay ?
J: Haa Berbera ayaa Socod ku Maray Khamiistii hore, waxaanan Saarnaa Diyaaradda Afrikan Eirweys kamana soo degin Diyaaradda, markaa halkaas ayey ka sameeyeen baan filayaa.
S: Maxaad ka odhan lahayd Warakan sheegaya inaad Dhuumasho Hargeysa ku timid ?
J: Anigu Nin Dhuuman kara ma ihi oo haddii aan imanayo Somaliland , waxaan u iman lahaa si caddaan ah oo Dawladdu ogtahay oo Shacabku Ogyahay, ayaan u iman lahaa.
S: Wasiir Arrintii dhinaca Hawada ee lagu heshiiyey in guddi isku dhaf ah loo saaro oo si wada jir ah u maamula, arrintaasi xagee ayey maraysaa ?
J: Hadda waxaan saari doonnaa Guddi labada dhinac ah oo arrintaas ka shaqeeya, markaa Guddidaas ayaa ka soo shaqayn doona qaabka Guddidaas iyo sida ay u shaqayn doonaan.
S: Goorma ayaad Guddidaas samaynaysaan Wasiir ?
J: Dhowaan ayaanu Samayn Doonnaa oo hadda Xidhiidhkii ayaa noo socda, markaa sidii lagu soo heshiiyey weeyaan arrintaasi.
S: Wasiirka Boosaha Somalia Ciilmooge mar ayuu sheegay inaad ka baxdeen arrintaas, maxaad kala socotaa Wasiir, ma isla ogtihiin.
J:Wasiirku Sidfaas uma dhihin ee Saxaafadda ayaa hadalkiisa bedeshay, markaa sidaas uma dhihin, waana sidii looga soo heshiiyey arrintaasi.
S: Maxaad Masuuliyiinta iyo Shacabka reer Somaliland u soo jeedinaynaa.
J:waxaan leeyahay reer Somaliland waa dareemayaa waxa Nabad iyo Horumar ah ee ay gaadheen, waxaanan u soo jeedinayaa inay nabad gelyadaas iyo horumarkaas ay gaadheen ay sii xijiyaan, anagu waxaanu u aragnaa Somalia hal meel oo ka mid ah haddii ay xasiloontahay oo ay horumar gaadhay, waxa Somalia u soo kordhay ayaanu u aragnaa, waxa weeyaan inay ka faa’iidaystaan wakhtigii dheeraa ay soo galeen”
Wasiirka Amniga Somalia C/kariin Guuleed waxa uu Hambalyo u diray Munaasibadda Ciidda Awgeed Shacabka iyo Masuuliyiinta Somaliland Guud ahaan “Munaasibadda Ciida Waxaan habalyo gaar ah u dirayaa shacabka iyo Masuuliyiinta Somaliland guud ahaanba”
Maalmihii ugu dambeeyey ayaa warbaahinta kala duwan ee mareegaha Internetka, ayaa si ballaadhan u hadal hayey arrinta uu wasiirku beeniyey ee ahayd inuu si qarsoodi ah ku yimid Somaliland, taas oo Xukuumadda Somaliland beenisay inuu Wasiirku si qarsoodi ah u yimid Hargeysa”
Xigasho Wargeyska Saxansaxo
Wariye Mr Hudle
Email:Shabachudle@gmail.com
Gobanimonews@gmail.com/Head office Hargeysa/Somaliland