Hargeysa(GNA)-Duruufo qalafsan oo dhanka adeegyada aasaasiga ah, indhahana aan laga qarsan Karin ayaa ka jira Xaafadda Sheikh Cumar oo ah xaafad cusub oo labadi sanadood ee la soo dhaafay la dejiyay in ka badan lix boqol oo qoys oo laga raray gudaha Magaalada Hargeysa.
Xaafadan oo laysgu geeyay dadweyne laga raray xaafado kala duwan oo Magaalada ah, ayaan lahayn wax adeeg bulsho, sida goobo caafimaad, ku waxbarasho, Rugo Boolis, adeeg biyood iyo dhamaan waxyaabaha kale ee daruuriga u ah jiritaanka nolosha caadiga ah, iyadoo ay u dheertahay waddo xumo iyo nidaam maamul oo aan dheeli-tirnayn.
Sida ay Maamulka deegaaka iyo dadweynaha xaafadu u sheegeen , falalka amni daro ee xaafadan ka dhaca iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan Hooyooyinka Uurka leh iyo ubadka yar-yar ee da’doodu hoosayso, ee caafimaad daradu ugu horayso ayaa ah kuwo aan la dafiri Karin, waxaana intaasi dheer Kufsiga Hablaha oo la sheegay inuu meel xun marayo, iyadoo ay ugu wacantahay amni darada halkaasi ka jirtaa.
Guddoomiye ku-xigeenka Xaafadda Sheikh Cumar Kayse Sulub Maxamed oo Wariye ka tirsan Gobanimonews iyo Wargeyska DAWAN uga waramay Xaalada nololeed ee deegaanka ayaa sheegay “Deegaanka Sheikh Cumar waa deegaan ka go’an Magaalada Hargeysa oo Masaafo banana ahi u dhaxaysa Magaalada inteeda kale, dadka degen waxa laga soo raray Magaalada Gudaheeda, ka dibna halkanbaa la keenay dabadeed dawladu waxay ka qabatay ma jirto baahiyihii Aasaasiga ahaa, xaga waxbarashada, Caafimaadka, amniga, Biyaha , dhamaan adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay u baahnaayeen ayaan loo samayn dadkan, waxaanay u baahanyihiin Gurmad deg deg ah”.
Guddoomiye Sulub, isagoo qodob qodob u sharaxaya dhibaatooyinka jira waxa uu yidhi “Baahiyaha deegaanka waanu u wada sheegnay Wasaaradaha ay khusayso oo way wada ogyihiin , wax alle waxaanu ka haynaana ma jirto, hadii aan kala qaadana wasaaradda Caafimaadka waxaanu ka dalbanay xarun Caafimaad, Wasaaradda arrimaha Gudaha waxaanu ka dalbanay Rug Boolis, ta waxbarashada School Hay’ada NRC naloo dhisay oo laba Fasal ah ayaanu ka dalbanay inay noo furto, markaa wasaarad waliba way ka dheregsantahay warkayaga”.
Guddoomiye ku-xigeenka sheikh Cumar, waxa kale oo uu ka waramay Mashruuc dhismayaal Hoy ah loogu dhisay dadka halkaasi degen oo joogsaday “Jiingadahan waxa dhisay Hay’ada NRC, oo markii hore balanqaaday inay 1200 oo meesha degen u dhisayso min qol Jiingad ah, taasoo afar boqol oo qoys markii ay u dhistay iyaduna joojisay mashruucii, walina aan dib u bilaabin iyadoo aanu mashruucii wali ka dhamaan, wada hadalana noo socdaan ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa, sababta ay u joojisayna waxaan u arkaa Hay’adihii dawliga ahaa ee daba-galka ku samayn lahaa ayaa shaqadoodii dayacay , hay’adihiina iyadoo dadka ka shaqaynaya ay Somali yihiin ayaa hadana Musuqmaasuq jiraa”.
Waxaanu intaasi ku daray isagoo sii taxliiqinaya darxumada xaafada ka jirta “dhinaca Nabad-gelyada Xaafadda hadaan ka waramo Rug boolis malaha, waxaana ka dhaca falal amni daro, Kufsi iyo Mukhaadaraadka oo Habeen walba aanu khaati ka taaganahay, waxaana mararka qaar dhacda in Xaafado halkan ku yaala inta Khamriga lagu soo dejiyo si tuugo ah Magaalada lagu geliyo, falalka kale ee intaa ka dhacaana way badanyihiin”.
“Dhanka Caafimaadka waxa dhacda in Dumar Uur leh oo ay Dhiig kar ugu dhintaan,qaarkoodna Cisbitaalka Hargeysa dirqi lagu gaadhsiiyo, iyadoo aanay jirin wax gaadiid ah oo noo yimaada oo Gabadha iminka Foolata goob Caafimaad geynaysaa, waxaanan goob-joog u ahaa ilaa afar dumar ah oo iyagoo aanay naftu waxba kula jirin Cisbitaalka la geeyay, waxaana hore u dhacday in Dumar kale dhexda ku dhinteen, waxbarashada ayaa iyaduna la mid ah, Biyaha ayaa sidoo kale ka mid ah Baahiyaha jira, markaa meeshani waa meel gurmad u baahan”.
Geesta kale Xaafadda Sheikh Cumar, ma jiraan Garoomo ay dhalinyaradu Kubadda ku ciyaaraan iyo goobo kale oo ay ku maararroobaan xiliyada ay fasaxa yihiin, waxaanay taasi sababtay in dhalinyaro badani fursad u helaan isticmaalka Balwadaha xun-xun ee uu qaadku ka mid yahay, sida uu sheegay Jimcaale Cabdi Yuusuf oo ka mid ah dhalinyarada xaafadaasi.
“ Xaafaddani waa xaafad dan yar ah oo Baro-kacayaal ah, mana laha habayaraatee Garoomo Kubadda lagu ciyaaro iyo meelo kale oo ay dhalinyaradu ku kulmaan, waxaanay isugu yimaadaan Makhaayadaha yar-yar ee meesha ah, waanay jiraan dhalinyaro badan oo markii waxay ku medo-daashaan ay waayeen Balwadaha bartay sida qaadka iyo Sigaarka iyo wixii kale ee ay arkaanba”.
Dhinaca kale duruufaha dhanka adeegyada Bulshada ee Xaafadan ka jira, waxa ka mid ah goobaha lagu barto culuumta Diiniga ah oo aan habayaraatee laga furin intii la degenaa, dhanka waxbarashada Maadiga ahna, ardayda Deegaanka qaarkood ay u soo doontaan Dugsiga Sheikh Muuse Ducaale oo masaafo dheer u jira Xaafadaasi, ahna dugsigii loo dhisay Xaafada Faluja xiligii la dejiyay.
Waxaana la’aanta Madaariista Qur’aanka iyo duruusta kale ee Diiniga ah baahi weyn u qaba boqolaal ka mid ah Caruurta bar-baarinta aasaasiga ah u baahan, sida uu sheegay Sacad xasan oo ka mid ahaa koox Caruur ah oo Wariyeyaashu kula kulmeen Barxad banaan oo ay ku ciyaarayeen, iyagoo wajiyadooda farxad badani ka muuqato Munaasibadda Ciida ee lagu gudo jiro awgeed.
“waxaan ahay arday, waxaan dhigtaa School-ka Faluja, waxaanan ahay fasalka afaraad, markii aanu magaalada degenayn waxaan dhigan jiray Mederasada Daarasalaam, oo aan Qur’aanka ka dhigan jiray, waxaan marayay Suuradda Iqra” – “ markaanu halkan soo degnay ayaa layga saaray Qur’aankii, mana jiraan Mederesado qur’aanka lagu dhigtaa ee School-ka ayuunbaan tagaa”. Ayuu yidhi.
Si kastaba ha ahaatee Xaafadan oo loo maro Jid raf ah oo aan haba-yaraatee loo qaabayn marista gaadiidka raaxada,Dhagax iyo Boholo aan xisaab lahayna aad kala kulmayso markaad Laamiga kaga degto Taliska Ciidamada qaranka ee Bir-jeex, ayaa hadana hesha gaadiid ugu filan dhinaca isu socodkooda magaalada.
Waxaana marka aad marayso afaafka laga galo ee Dhanka Magalada Indhahaagu qabanayaan Jeex qodaalo oo lagu talo galay in la soo mariyo Dhuumaha biyaha qaada oo la doonayo in biyo loogaga soo duwo Dooxa weyn ee tuultrada Xaraf oo hilaadii 5KM u jirta xaafadaasi.
Mashruucaasoo Wakaaladda Biyaha ee Caasimadu mudo bilo ah ku Mashquulsanayd hir-gelintiisa , balse aan wali midho dhal noqon, ayaa ah rejada ugu dhow ee ay dadkani wax ka sugayaan, mase jirto ilaa hada hawl kale oo bilaaban oo ay dugsanayaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Emal: editor@gobanimonews.com