Saturday, August 10, 2013

FAA’IIDOOYINKA CAANAHA GEELa


1. Ma ogtahay in caanaha geela ka faa’iido badanyihiin caanaha lo’da iyo adhiga?




2. Ma ogtahay in ey jiraan cuduro lala xidhiidhiyay caanaha lo’da balse aaney jirin cuduro lala xidhiidhiyay caanaha geela?




3. Ma ogtahay in isku-dheelitirka nafaqada caanaha geela ey ka sareyso caanaha kele, taasoo macnaheedu yahay in caanaha geela lagu noolaan karo in kabadan inta lagu noolaan karo caanaha kale.




4. Ma ogtahay in caanaha geela laga helo bir (iron) ka badan inta laga helo caanaha lo’ada iyo adhiga? Taasoo macnaheedu yahay in ey u fiicanyihiin si gaar ahaaneed dadka dhiig la’aanta qabo iyo haweenka uurka leh.




5. Ma ogtahay in caanaha geela laga helo fitamiino aad u badan gaar ahaan vitamin B iyo vitamin C in ku sadax jibaaranto inta laga helo caanaha lo’ada?




6. Ma ogtahay in caanaha geela ey ku jiraan maadooyin difaaca jidhka kuwaas oo yareeya fursadaha qaar kamid ah cudurada halista ah?




7. Ma ogtahay in heerka dufanta caanaha geela uu aad uga yaryahay dufanta ku jirta caanaha lo’da? Taasoo keeneysa in caanaha geela aaney sababin buuri iyo sidoo kale cudurada ku hoos jira dufanta badata.




8. Ma ogtahay in heerka biyaha ku jira caanaha geela uu aad uga badanyahay kuwa ku jira caanaha kale? Taasoo keenta in dadka dhaqda  ey maalmo ku noolaadaan oo kaliyah caanaha geela ayaga oo aan helin wax biyo ah!!!




9. Ma isweydiisay sababta dadka reer miyaga si guud ahaaneed  ahaaneed uga caafimaad badanyihiin dadka magaal jooga ah? Iyadoo aaney jirin haba yaraatee wax daryeel caafimaad ah ey heestaan?




10. Ma ogtahay in khubaro caafimaad ku taliyeen cabida caanaha geela, taasoo hada wadamo badan ku dhalisay in ey guda galaan sidii ey caanahan ugu diyaari lahaayeen si lamid ah caana boodhaha iyo qaababka kale ee loo dhoofiyo caanaha, si loo gaadhsiiyo wadamada aanan dhaqanin geela.




wadamada hore umaray  sida wadanka ustareeliya oo uu geelu ujoogay sida ugaadha oo aaney cidi la heyn ama aan cidi dhaqan jirin imika ay dawladu seerayaal usameysay oo ay ku dar yeesho taas oo ay markii ay ogaadeen faa,iidada geelu cadkiisa iyo caanahiisaba ay yihiin wax nolosha bini aadanka faa,iida caafimaad oo balaadhan ule.




maaha oo qudha faa,iidada caanaha geelu kuwa aanu kor ku soo xusnay ee waa mid ka balaadhan qoraalkan waxa aanu isku dayi doonaa in aanu idiin soo qorno neefka geela cad iyo caano waxa uu faa,iido leeyahay hadii alle idmo,




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com