Hargeysa(GNA)-Ururka SCOR oo ka mid ah Ururadda Jaaliyada somalida ku nool dalka Holand, ayaa Deeq dhar ah oo cusub ugu ku wareejiyay Maamulka Cisbitaalka Guud ee Caasimada, kaasoo loogu talo-galay dadka Dhimirka wax ka qaba ee ku jira Cisbitaalkaasi.
Deeqdan oo ka koobnayd Lebis dhamaystiran oo Rag iyo Dumar, isugu jirta, looguna talo-galay inay ku ciidaan afartan qof oo ka mid ah dadka Cisbitaalkaasi lagu dabiibo ee dhinaca Maskaxda ka jiran, ayaa lagu kala guddoomay Munaasibad lagu qabtay halkaasi, taasoo ay ka soo qayb-galeen Maamulka Cisbitaalka, Agaasimaha waaxda Dhimirka ee Cisbitaalka iyo xubno ka socday Ururka Taakuladan ku deeqay.
Wakiilka Ururka Hugan ku deeqay Xasan Xaaji Yaaxeen oo ugu horayn Xafladaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay Dharkan iyo cidda ku tabarucday.
“Maanta waxaanu joognaa meel ka mid ah Meelaha ugu wanaagsan ee Xasaanadka iyo ajarka laga helo, waxaanu joognaa Cisbitaalkan oo ay ku jiraan dad Walaalaheena oo Maskaxda wax ka qabo, dadkaasoo u baahan inaynu dhamaanteen gacan u fidino oo aynu wax tarno, markaa waxaan ku wareejinayaa agabkan oo ka kooban Lebis ay ugu deeqeen Ururka Jaaliyada somaliyeed ee ku degen dalka Holand, waxaanu ka koobanyahay afartan qof Lebiskood, annagoo meelo kalena ka soo qaybinay deeqdan oo kale”ayuu sheegay.
Waxaanu intaasi ku daray Mr Yaaxeen,“runtii deeqdan oo marka la eego baaxadeeda ay ka badantahay baahida meesha taalaa, hadana waxaanu isleenahay waa arin ku dayasho mudan oo aan filayno inay dad badan oo kale kaga dayan doonaan Ururka SCOR, waxaanan ku wareejinayaa Maamulka Cisbitaalka”.
Madaxa Cisbitaalka Dhimirka ee Cisbitaalka Guud Dr. Mustafe Xuseen Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa mahad-naq iyo bogaadin uu u soo jeediyay Ururka deeqda ku wareejiyay, ka dib dhamaan umadda Islaamka, gaar ahaan Bulshada reer Somaliland u soo jeediyay inay xiliyadan oo kale si gaar ah u xusuustaan dadka jilicsan “waa wakhti cibaado oo dadku iska nadiifinayo Dambiga, markaa waxa loo baahanyahay in dadka jilicsan sadaqo la siiyo, waxaana loo baahanyahay in lagu dayo Ururkan is-xilqaamay”.
Maamulaha Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargeysa Axmed Daahir Aadan oo gabagebadii xaflada ka hadlay, ayaa xubnaha ku bahoobay Ururka deeqdan soo dhiibay Ilaahay uga beryay inuu ajar iyo Xasaanad dheeriya ka siiyo Mucaawimada qaaliga ah ee ay ugu tabaruceen Walaalahooda ku jira Cisbitaalkan, waxaanu bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay inay u gar-gaaraan dadka jilicsan iyo xanuunada la jiifa Cisbitaalada.
Ugu dambeyn dhawr qof oo ka mid ah dadkii dharkan loogu talo-galay ayaa gacanta looga dhiibay Bushqado ay ku jiraan labis dhamaystiran oo dhar ah, kuwaasoo wajiyadooda laga dheehanayay Farxad iyo dareen ka turjumaya sida ay ugu farxeen Taakulada loogu deeqay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com