Wednesday, August 7, 2013

Hargeysa: Jimciyada Ansaaru-Diin oo Abaal-marino Guddoonsiiyay Arday kaalmo hore ka gashay Tartan Diimeed loo qabtay






 



Hargeysa(GNA)-Xaflad Abaal Marino iyo Jaa’isado lagu gudoosiinayey ardaydii kaalmaha hore ka gashay Tartankii Quraanka ,Siirada ,Maxdiga Rasuulka iyo Axaadiista  ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa.




Tartankan oo ay soo qaban-qaabisay Jimciyada Waxbarashada Diiniga ah iyo Qabanqaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga ah  ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Ansaaru-Diinka Ee Magaalada.




 



 Tartankan oo ahaa mid aad loo soo agaasimayaa ayaa waxa kasoo qayb galay marti-sharaf aad u tiro badan oo iskugu jiray Masuuliyiin ,Culimo Aw-diin tiro badan, waxaana ugu  horey halkaasi hadalo kooban kasoo jeediyey Agaasimaha Waaxda Fatwada ee Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Axmed Dhinbiil, kaasoo  u mahadcelieyey Jimciyada iyadu isku abaabushay Hirgalinta Tartankan ee Jimciyatul Axbaab , dhalinyarada ku guuleysatay Tartankana  kula Dar daarmay inay dadaalkooda halkaasi ka sii wadaan , isagoo sidoo kalena ardaydii kale ee ka qayb gashay Tartankan ee aan ku Guuleysan kaalmaha hore ku Hanbalyey sida fiican ee ay uga qayb qaateen Tartankani,




Sidoo kale waxaa Xafladaasi ka hadley Gudoomiyaha Xarunta Ansaarudiinka Somaliland Sh.Axmed Caabi iyo Xoghayaha Guud ee Jimciyada Waxbarashada Diinigaa iyo Qabanqaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diinigaa Sh.ibraahin Cige iidle waxayna dhamaantood ku dheeraadeen Qiimaha uu leeyahay Tartankani.




 




 




 




 




 




 




 




Gaba gabadii Munaasibadaasi Waxaa Soo Gunaanaday Gudoomiyaha Jimciyada Waxbarashada Diiniga ah , Qabanqaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga aa Sayid Maxamed Sayid C/laahi X.Cilmi Nuur Oo isugu isku Xilqaamay Qaban qaabada iyo Hirgalinta Tartankan Socday Bishii ramadaan oo dhan,




Sayid Maxamed Sayid C/laahi X.Cilmi Nuur waxaa uu u hanbalyey Ardaydii ku guuleysatay Tartankan,waxaanu xusay in ay muujiyeen Dadaal dheeraad ah.








waxaanu kula dar daarmay in ay dadaalkooda halkaasi ka sii laban laabaan  waxaanu sheegay in ay tartankan ay qabtay Jimciyatul Axbaab uu yahay kii ugu horeeyey isla markaana la qaban doono Ramadaan Kasta




Hadaba ardaydan Maanta loo qabtay Xafladan ee ku guuleystay Tartankii Bisha Ramadaan ayaa Tiradoodu Dhamayd 9 Arday oo ka kala socday Madarisado kala duwan oo ku kala yaala daafaha magaalada Hargeysa waxaana mid walba la gudoon siiyey Jaa isad iyo lacago loogu tala galey




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com