Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancadde ayaa ka warramay safar nabad-raadin ah oo uu 1995-kii ku tegay magaalada Oodweyne iyada oo ay xilligaas dalka ka socdeen dagaallo sokeeye. Xilligaas waxa uu Warancadde ahaa Wasiir ka tirsan xukuumaddii Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cigaal, deegaanka Gobolka Daadmadheedhna waxa gacanta ku hayay ciidaammo ay iska soo horjeedeen dawladda.
Md Warancadde waxa uu sheegay in geeddigaasi door weyn ka qaatay habkii nabadaynta bulshada Somaliland, waxaanu sidaasi kaga xog-bixiyay wareysi uu siiyay Qoraa ka tirsan Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista.
Wasiir Warancadde oo sharxaya ujeeddada uu ka lahaa safarkaasi iyo wixii ay kala kulmeen ayaa yidhi ”Tegistayda Oodweyne waxa ay ka mid ahayd dedaalkii aan ugu jiray inaan shacabka Somaliland isku xidho, boggoodana aan burcad isku mariyo. Markaa iyada oo lagu jiro shirkii Golaha Wasiirrada oo uu Guddoominayo Madaxweyne Cigaal ayaan ku idhi ”Madaxweyne dadkeenni wuu kala maqan yahay markaa waxaan go’aansaday inaan shacabkeennii dhex tago, si aynu u helno qaybta inaga maqan” runtii wuu ila yaabay markii hore waxaanu igu yidhi ”siday u dhici kartaa, waxa lagugu tirinayaa dawladdan waxaanan ka baqayaa in lagu dilo ee iska joog kaama maarannee”.
Waxa aan ku idhi ”Madaxweyne haddii nala dilo aniga iyo wefdiga ila socda si wanaagsan uun noo aasa”. Markaa waxa aan qabay in cid i dileysaa aanay jirin waxaanay taasi ka turjumaysay qalbigayga waayo waxa aan wadaa wanaag ayuu ahaa, manaan wadin eex, qabyaalad, cid xumee iyo cid fool-xumo kula kac. Waxaanan u arkayay in mustaqbalka dalkaygu ku jiro wanaagga iyo wada-noolaanshaha, sababtoo ah dadku dagaallo iyo dhibaato badan ayay soo galeen waxaana dhex martay xurguf yar oo la daweyn karo. Markaa qalbigeyga waxa ku jirtay inaan marnaba la kala maqnaan.
Oodweyne xilligaas waxa ka socday shirkii Ceel-xume oo aannu gacan ka geysannay qalabkiisa, raashinkiisa iyo baahiyihii markaas taagnaa, waxaanu iska horreysiinnay niman aanu ku nidhi ”taga oo soo eega meesha”, waxaanay noqotay inaanu ka faa’iidaysanno inta dadku shirsan yahay oo aanu wanaag iyo hadal fiican la tagno, laakiin waxa aanu gaadhnay shirkii oo dhammaaday maalin ka hor. Waxyaabaha dib noo riday waxa ka mid ahaa raggii aanu dirnay ee aanu nidhi dadka mudakarka ah sida salaaddiinta, waxgaradka iyo kuwa kale u sii sheega inaanu imanayno inkasta oo aannaan wakhti cayiman sheegin, way ka baqeen inay xidhiidh nala soo sameeyaan ama nagu dhiirri-geliyaan inaanu nimaadno markii ay arkeen dareenka deegaanka ka jira iyo xaaladaha aloosan.
Dabadeed waxa aannu goosannay inaannu keligayo ambabaxno. Waxa ila socday Cawl Cilmi Cabdalle oo gu’yaalkii dambe Maayarka Caasimadda noqday markaana Wasiir ku-xigeen ahaa, C/Laahi-Sandheere oo Wasiir ahaa imakana Hargesa jooga deegaan ahaanna Oodweyne ka soo jeeda, Oday Maxamed Faarax Caynaanshe oo Guddoomiyeha reerka ahaa iyo nin odaya oo Cali-abaanash la yidhaahdo. Nimankii ayaanu sii kaftannay waxaan ku idhi ”Waxaynu u tegaynaa reerihii, nabad baynu ugu tegaynaa innaga ayaa xukuumadda wasiirro ka ah, waxa laga yaabaa marka aynu gaadhno deegaanka in la inna soo raaco, oo uu daadkaas ballaadhani inagu soo jabo isla markaana aynu saddexdeennuba dibadda u baxno, waxa laga yaabaa in mansabyada lagu gorgortamayaa ay kuweenna noqdaa oo xilkeenna aynu wayno. Markaa ma imaka ayaynu iska joognaa mise hadhaw waxa aynu doonnaba aynu waynee waynu tagnaa?”. Waxa aannu isla garannay in aanu wax kasta nabadda ka doorbidno, xitaa aanu seegayno kuraasida aannu ku fadhino. Sidii ayaanu ku baxnay.
Dalku xilligaas waa kala xidhnaa, meel dawladdu gaadho marka Hargeysa laga baxana waxa ugu fogeyd meesha la yidhaahdo Badar-wanaag weliba haddii aan dagaal halkaas lagu gaadhin. Khadka cas ee marba weerarrada lagu soo qaadaa waxa uu ahaa waxa uu ahaa laamida dheer meesha la yidhaado Diinqal ayaa ciidamadu fadhiyeen. Waanu soconnay, markii aanu dhaafnay Badar-wanaag iyo meeshii aan dhalasho ahaan ka soo jeeday ayaanu baqannay maadaama oo aannan dhinacii Oodweyne wax war ah ka helin ama beelihii Garaxajis. Ciidan waxoogaa ah ayaan watay, wadaad baa beri yidhi ”anigu kuwan ikhwaan ikhwaan ydhaahda ma ihiye waxa aan ahay wadaad markii loo baahdo wax iska celiya”, markaa dhinacna nabad-doon ayaan ka ahaa dhinacna haddii la doono in nala bah-dilana waxa aanu wadannay ciidan aan hayb ahaan naga fogayn oo wax caabbiyi kara haddii xaalad adagi timaaddo.
Marka odayaasha iyo wasiirrada laga yimaaddo waxa nala socday shan baabuur oo ciidan ah, markii aanu ku dhawaannay Harasheekh oo ay ciidammo mucaarid ahi deggenayeen ayaanu ka baqannay in haddii siigada gawaadhida la arko loo qaato ciidankii dawladda oo weerar soo qaaday halkaana muskhiladi ka timaaddo, kaddibna inaga inaga oo nabad u soconnay ay meesha ka dhashaan waxyeello iyo dhimasho aan loo baahnayni. Waxa aan idhi ”inta cadceeddu dhacayso aynu deegaanka beesha Bariga Hargeysa iska joogno, habeennimadana aan guure ku galno Oodweyne”. Laakiin raggii ila socday ayaa xusay dhib kale oo socoka habeenku leeyahay waxaana la yidhi ”Habeenkiina waxa la arkayaa iftiinka iyo kaaha gawaadhida badan ee is-dabasocota taasina waa arrin taxaddarkeeda u baahan”.
Annaga oo yaabban, talona nagu caddaatay wax aanu samaynnana aannaan garanaynin ayaa Ilaahay amarkiisa .............
La soco haddii Alle idmo
Tebinta iyo tifatirka
Axmed-Yaasiin C/Raxmaan Axmed (Dool)
ayaasiin55@hotmail.com