Saturday, August 17, 2013

Agabar:Ugaas Jilba-dhige oo Maanta ku Dhawaaqay Furitaanka Shirka Beesha Sacad Muus iyo Ergooyinka oo Berri isugu tegaya Madasha


Hargeysa(GNA)-Shirka Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa ayaa maanta oo Sabti ah, taariikhduna ku beegantahay 17 Bisha AUGUST, ka furmay Deegaanka Agabar ee Gobolka Gabiley.




Waxaana Shirkaasi furitaankiisa ku dhawaaqay Ugaas Ibraahim Axmed Jilba-dhige oo ah Ugaaska ay Beeshiisu shirka Marti-gelisay, kaasoo sheegay in Maanta laga bilaabo uu furmay shirweynihii Beesha Sacad Muuse.




“Waxaan u sheegayaa maanta laga bilaabo in shirkii Beesha sacad Muuse furmay Gudaha iyo dibadaba, ergooyinkiina ay beritoole iman doonan Madasha, ilaahay waxaan ka baryayaa inuu shirkaasi natiijo khayr qabta ka soo saaro, si nabad-gelyo ahna uu u qabsoomo”ayuu sheegay Ugaas Jilba-dhige.




Waxaanu intaasi ku daray “shirkana ujeedadiisu waxa weeye in nabad-gelyada , wada-jirka, horumarka iyo Isku duubnimada meesha iyo nabad kula noolaanshaha beelaha Somaliland beeshu kaga arinsato”ayuu yidhi.




Waxa  iyaguna shirkaasi xubno ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Agabar, kuwaasoo sheegay in deegaanka Agabar diyaar u yahay soo dhaweynta ergooyinka shirka iyo guud ahan Mujtamaca ka soo qayb-gelaya.




Shirka Beelaha sacad Muuse ayaa la filayaa inuu Maalinta Berri ah oo Axad ah si rasmiya u furmo, isla markaana dhamaan Ergooyinka iyo xubnaha ka qayb-gelayaa ka soo xaadiraan madasha loo asteeyay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com