Hargeysa(GNA)-“Dhamaan Derejooyinkii iyo Macluumaadkii lagu bixinayay waanu ku wareejinay Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, waxaana loo kala qaaday Talisyada Ciidamada ee dalka oo dhan”sidaasi Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo Maanta si rasmiya ugu dhawaaqay qaybinta derejooyinka Ciidamada Qalabka sida ee dalka.
Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay qaabka loo diyaariyay qaybinta derejooyinka iyo sida loo qiimeeyay Askarta lagu tolayo Calaamadaha derejada “ka hor intaan la bilaabin qaybinta derejooyinka, waxa la sameeyay Askari walba waxa laga buuxiyay Form ku saabsan goortii uu ciidanka soo galay, sidii uu ku soo galay, hore hadii uu derejo u soo qaatay xiligii dawladii somaliya, foomkaasi marka laga buuxiyo Askari kasta waxa lagu dhaarinayaa in waxa uu halkaa ku qortay sax tahay, dabadeed sidaas ayaa lagu siinayaa”.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami waxa kale oo uu ka waramay sida ay ku imanayso lacagta lagu Kordhinayo Gunnooyinka Ciidanka, taasoo su’aalo badani ka soo noqdeen, ka dib markii Madaxweynuhu dhaqan-geliyay in Derejada Ciidanka iyo Gunno kordhintooda laysku lamaaneeyo “Lacagta Gunnooyinka Ciidanka waxaanu ka kordhinaynaa Miisaaniyadii sanadkii hore ayaa lagu daray lacagta Gunnada ciidanka iyo bixinta derejooyinka, markaa wixii miisaaniyada naluugu daray ayuunbaanu isku filnaysiinaynaa, laakiinse ma jirto lacag Dollar ah oo meel kale nooga imanaysaa, waxa Illaahay noo keeno mooyaane”ayuu kaga Jawaabay su’aal arintaasi laga waydiiyay.
Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa dhinaca kale meesha ka saaray jiritaanka guux iyo buuq ka abuurmay diyaarinta derejada ciidanka, waxaanu ka digay inay dhacdo inta lagu gudo jiro qaybinteeda “horta Ilaahay naguma keeno wax dhibaato ah, manay dhicin intaan ogahay, Kolayna hadii hawl la qabanayo wax way imanayaan, laakiinse waxaan leeyahay Maanta qof kasta oo danaynaya Sumcadda qarankan 22 sanadood jiray ee Ciidamadiisii la siinayo wax lagu kala tilmaansado (Derejooyinka, waxaan u sheegayaa inaan buuq iyo dhibaato la gelin hawshaa”.
Geesta kale wasiirka ayaa sheegay in Derejada Ciidanka loogu talo galay in lagu beego Munaasibadda Ciida Bisha Barakaysan ee Ramadaan si looga farxiyo oo ay ugu ciidaan niyad wanaag iyo rey-reyn, isagoo cadeeyay in derejadan loo qabinayo dhamaan Ciidamada Qaranka , sida Milateriga , Booliska, Baddaha, Asluubta, Socdaalka iyo Sirdoonka, kuwaasoo dhamaantood tiro cayiman lagu bilaabayo Biladaha iyo Astaamaha kala dambeynta “Dhamaan Ciidamada waa la siinayaa derejooyinka,waxaanan idiin sheegayaa inaanay derejadu hada uun noqonayne ay wax soconaya tahay”.
Xukuumadda Somaliland ayaa horaantii sanadkii 2011-ka shaacisay in Ciidamada dalka la siinayo Derejooyin sanadaha soo socda, taasoo ahayd yihdidiilo hor leh iyo rejo u soo korodhay Ciidamada, waxaanay ka mid ahayd balan-qaadyadii Xisbiga talada haya e Kulmiye Ololaha Doorashada ku galay ka hor intaan la dooran sanadkii 2010-kii, taasoo bixinteeda daaye soo hadal qaadkeeda ay ku dhici waayeen Xukuumadihii ka horeeyay.
Ka dib qorshe lagu diyaarinayay hawshan oo labadii sanadood ee ugu dambeeyay soo socday, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa bishii labaad ee sanadkan horaanteedii wajigii hore ee derejo qaybinta ku tolay Afarta Taliye Ciidan ee Milateriga , Bilayska, Asluubta, Ilaalada Xeebaha iyo ku-xigeenadooda,taasoo lagu beegay sanad-guuradii 19-aad ee Ciidanka Qaraka oo sameeyay munaasibad is-huwan oo derejo qaybinta taliyayaasha Ciidamada iyo Dabaal-deg isugu jirtay.
Waxaana mar kale Madaxweynuhu xalay dhaqan-geliyay in Garaadada lagu taxo in ka badan 10,000 Askari oo la siinayo derejo u dhaxaysa Sareeye Gaas ilaa iyo Xadhigle, taasoo noqonaysa markii ugu horaysay ee ay Ciidamada Somaliland yeeshaan ka dib ku dhawaad 20 sanadood oo ay jireen.
Gobanimonews.com
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com