Friday, August 16, 2013

Hargeysa: Dawlada hoose oo ku hawlan Qorshe lagaga hortegayo Khatarta Dabka ee Suuqyada Ganacsiga


Hargeysa(GNA)-Duqa Caasimadda Hargeysa C/Raxmaan Maxamuud Caydiid oo ay weheliyaan Maayar-kuxigeenka C/Casiis Maxamed Xaashi, Xoghayaha Fulinta Mawliid Weris C/Laahi iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa maanta shir muddo saacado ah qaatay kula yeeshay xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa Guddiyo ka socotay ganacsatada suuqa Hargeysa gaar ahaanna Hilibleyaasha iyo bacadleyaasha.




 Kulankan ayaa si wadajir ah loogu gorfeeyay sidii loo suurtogelin lahaa in dabdamiska caasimaddu gaadhi karo badhtamaha suuqa Hargeysa haddii ay mushkiladaha dabku qabsadaan gacasadeyaasha badeecadaha kala duwan ku iibiya faras-magaalaha, oo ay inta badan xidhan yihiin jidadka ay gawaadhidu u martan.




 Shirkan maanta ayaa waxa uu daba-socdaa kulan ay bishii hore qabteen Guddiga Horumarinta Hargeysa iyada oo ay Dawladda dhexe ku deeqday $200,000, dawladda hoosena ay $100,000 ku bixisay hagaajinta horumarinta adeegga dab-damiska Hargeysa. Waxa sidoo kale shirkan goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Culimada Waaweyn ee Somaliland oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Aadan Muxumed




 Ugu dambayntii Guddoomiyeha Golaha Deegaanka ahna Duqa Caasimadda Hargeysa C/Raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo shirka soo xidhay ayaa soo dhaweeyay kulan, waxaanu ballan-qaaday inay wada-shaqayn joogto ahi ka dhexayn doonto Guddiyadan ka socotay ganacsatada suuqa Hargeysa, iyada oo uu hadafkuna yahay sidii looga taxaddiri lahaa musiibooyinka ka dhasha dabka, Alle inaguma keeno’e.




 




Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)




Madax-qaybeedka Mareegta Dawladda Hoose ee Hargeysa