Monday, August 5, 2013

GWT: Ma jiro wax naga xidhaya inaanu toos ula xidhiidhno Madaxweynaha Umaddu soo dooratay ee qaranka oo aanu wada-hadalno


“Salaadiinta Somaliland annagoo ixtiraam u hayna waxaanu leenahay wali hawshii dhexdhexaadintu way idiin taalaa”Xildhibaan Koore




“waanu soo dhaweynaynaa la kulanka Madaxweynaha iyo cid kasta oo talada qaranku u taalo” Muj. Xasan Guure   




Hargeysa(GN)-Siyaasiyiinta ugu Miisaanka culus Golaha wada-tashiga iyo toosinta la baxay, ayaa daboolka ka qaaday inay diyaar u yihiin la kulanka Xukuumadda iyo cid kasta oo danaha qaranka ka shaqaynaysa, iyagoo si taxad leh u beeniyay inay ku gacan-saydheen dhexdhexaadiintii Salaadiinta  Somaliland.




Sidaasi waxay ku sheegeen shir jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen xafiiskooda Magaalada Hargeysa, kaasoo ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Muj. Xasan Guure Jaamac, Muj Ibraahim Dhego-weyne, xildhibaan Saleban Cali Koore, Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo xubno kale oo ka mid ah Golahaasi.




Xildhibaan Saleban Cali Koore oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda, ayaa shirkaasi jaraa’id ugu horayn ka hadlay, waxaanu sheegay inay diyaar , wax ka xidhayaana jirin inay Madaxweynaha qaranka ee Umaddu soo dooratay kala hadlaan wixii toosin iyo talo ah ee Qaranka lagu horumarinayo.




Xildhibaanka ayaa sidoo kale u mahad celiyay Salaadiinta reer Somaliland ee Ergada ka gashay mawqifka siyaasadeed ee lagu kala duwanyahay “Cid kasta oo isku dayday inay khilaafaadka iyo arimaha lagu kala duwanyahay dhexdhexaadin ka gashay ama wakhti siisay sharafbaanu u haynaa iyo  Ixtiraam, Salaadiinta hadashayna waxaanu filaynay inay salaadiintii kale ee ay Guddiga u ahaayeen ku war-celiyaan wixii aanu isnidhi, wax na dhex yaalaana ma jiraan, Niman waaweyn baanu nahay, waxaanan leeyahay Salaadiinta hawshii way idiin taalaa”.




Xildhibaanka ayaa si toos ah u cadeeyay Mawqifkooda ku aadan inay xidhiidh la sameeyaan Madaxweynaha iyo xukuumadda .“ka Golle ahaana Madaxweynaha Umaddu dooratay ee madaxweynaha qaranka inaanu la xidhiidhno, oo aanu  toos ula xidhiidhno, oo wax ka wada hadalno, oo aanu Miiska isugu nimaadno wax naga xidhayaa ma jiraan, colaad iyo dhibaato na dhex taalaana ma jirto ee waxaanu leenahay ma sidanbaa sidan ka haboon iyo aynu is-toosino”.




Waxa kale oo mudane saleban Cali Koore u soo jeediyay Salaadiinta hawshaa isu xilqaantay inay wali u furantahay Ergadii ay isfahamka ka gaadheen“Salaadiintii waxaanu leenahay Waar hawshii way idiin taalaa oo diyaarbaanu idiin nahay, Xukuumaddana waxaanu leenahay waynu wada tashanaynaa, dalka waynu wada leenahay, waxa weeye fikirka aynu isugu imanaynaa waa wax hala toosiyo”, ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “Salaadiinta Jaraa’idka ka hadashayna annagoo qadarin u hayna, madaxdhaqameedku wuu ka weynyahay qof Jaraa’idka ka hadla, xataa hadii uu wax ogyahay inuu qariyo si uu dadka isugu soo dhaweeyo ayaa haboon, waanan u mahad naqaynaa dhamaan salaaadiinta, cid albaabkayagu ka xidhanyahayna ma jirto”ayuu yidhi.




Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha ismagacaabay Xasan Guure Jaamac oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweeyeen, soona dhaweynayaan dhexdhexaadinta Golaha salaadiinta Somaliland ula yimaadeen, isagoo xusay inay diyaar u yihiin inay xukuumadda kala hadlaan wax kasta oo ay tebayaan.




Xasan Guure ayaa sidoo kale sharaxaad kooban ka bixiyay Geedi socodkii Ergada salaadiinta ee saddexda todobaad socday, waxaanu yidhi “Salaadiinta waxaanu shalay (Doraad) ku balanay inaanu ciida wixii ka dambeeya u soo gudbin doono xubnaha nooga qayb-gelaya wada-hadalka madaxweynaha,manaanu diidin, diidina mayno oo waanu soo dhaweynaynaa Madaxweynaha iyo cidii kale ee aanu la kulmaynaba inaanu wada-hadalno, waxaanan ku nidhi salaadiinta haysu dhamaadeen Golihii salaadiinta e ergada noogu yimi,  iminkana tii ayuunbaanu ku celinaynaa , mana diidayno wada hadalka iyo kulanka madaxweynaha”.




Hadalka siyaasiyiintan ayaa ka dambeeyay , ka dib markii salaadiintii isku xilqaantay lad-qabaynta labada dhinac ee Xukuumadda iyo Golaha ismagacaabay sheegeen inay hakad gashay hawshii ay wadeen, ka dib markii dhinaca Golaha natiijo suurto gelisa kulankii la filayay ay ka waayeen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email:editor@gobanimonews.com