Malta(GNA) - Dooni ay saarnaayeen 90 qof oo soomaali ah ayaa goor dhaweyd la sheegay in ay ku xidhatay Xeebaha dalka Talyaaniga.
Doontan ka shiraaqatay Xeebaha wadanka Libya ayaa sheegay in ay saddex qof oo dumar ah ay ku dhinteen intii ay dhexda ku sii jirtay , halka 87 kalena la badbaadiyay.
Dadkan la badbaadiyay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay xaaladooda caafimaad fiican tahay isla markaana ay ka soo shiraaqdeen xeebaha dalka Liibiya muddo hada laga joogo Shan maalmood.
Xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin Tahriibeyaashani ayaa aad looga dayrinayaa, waxaana jidhkooda ka muuqda diif ba’an iyo daal aad u xoogan.
Dalka Liibiya ayaa noqday dariiqa ay ku halaagmeen kumanaan qof oo Somali ah oo ka tahriibay waddanka tobankii sanadood ee ugu dambeeyay.
Ilaa saddex doonyood oo ay la socdeen ku dhawaad laba boqol oo qof oo Somali ah, una badan dhalinyaro ka soo jeeda Goboladda Somaliland oo bilihii ugu dambeeyay gaadhay waddankaasi, ayaa la sheegay inay shalay ka baxeen Xeebaha dalka liibiya, una dhaqaaqeen dhinaca xeebaha Talyaaniga, sida ay Gobanimonews u sheegeen Goob-joogayaal ku sugan Magaalada Tripoli ee caasimada dalkaasi.
Wax war ah lagama hayo meel xaalada Doonyahaasi iyo inay wax dhibaato ahi la soo deristay, balse waxa warku intaasi ku darayaa in laga yaabo inay dadkaasi iyo doonyihii ay saarnaayeenba dhexda wali ku sii jiraan.
“saddex doonyood oo ay saaranyihiin laba boqol oo qof oo si qayrul caadiya loo raray ayaa caawa ka baxaya Xeebaha Liibiya, doonyahaana waxa la socda dad Somali u badan oo ay ku jiraan dhalinyaro badan oo ka soo jeeda Somaliland oo dhawaan dalkan soo gaadhay”sidaasi ayuu yidhi Goob-joogahan oo Khadka telefoonka kula hadlay wakaalada wararka ee Gobanimo.
Tahriibta Dhalinyarada ayaa ah arin wali sii socota oo aan xal waara laga gaadhin, siiba Somaliland oo ay dhawaan ka noqotay Masiibo Qaran oo loo guntaday xal u helideeda.
Gobanimonews
Nairobi Office
Email: editor@gobanimonews.com