(GNA) Diyaarad khaas ah oo uu saarnaa Hogaamiyaha Awoodda Baddan ee dalka Sudan Cumar xasan al-bashiir oo maraysay Hawada sare ee dalka Sacuudiga, ayaa lagu qasbay inay dib uga noqoto hawada Dalkaas.
sacuudiga, iyada oo madaxweynaha uu u socday dhaarinta madaxweynaha cusub ee dalka Iran Xasan Ruuxaani.
Sacuudiga ayaa la sheegay in ogolaansho uu u diiday diyaaradaasi siday madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir taasi oo aheyd inay ka gudubto hawada dalkaasi, iyadoo ujeeddada Madaxweyne Bashiirna ay ahayd sidii uu uga qaybgeli lahaa dhaarta madaxweyne Xasan Rooxaani.
“Masuuliiyiinta Sacuudiga ayaa kasoo horjeestay in diyaarad u siiyaan ogolaanshaha qaadida Madaxweyne Bashiir si ay ugu gudubto hawada dalkaasi” sidaasi waxaa sheegay xogheynta warbaahinta ee madaxtooyada Emad Sayid Axmed oo la hadlay wakaalada wararka AFP.
Axmed ayaa sheegay in Bashiir aanu ku duuleynin diyaarada madaxweynaha, laakiin uu saarnaa diyaarad laga soo kireeyay shirkad Sacuudiyan ah.
Madaxweynaha Sudan ayaa u safrayay ka qeyb galka dhaarinta madaxweynaha cusub ee dalka Iran Xasan Ruuxaani oo maalintii shalay dhacday.
Inka badan 10 hogaamiyaal oo uu ku jiro ra’iisul wasaaraha Syria ayaa ka qeyb galay dhaarinta madaxweynaha, sida wararka laga helayo dalkaasi sheegayaan.
Axmed ayaa sheegay in diyaarada madaxweyne Bashiir siday ay gudaha u gashay hawada Sacuudiga, wadihii diyaaradana lagu soo wargeliyay in diyaaradani aanay heysan ogolaansho, taasi oo dhalisay in dib loogu soo celiyo magaalada Khartuum.
Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir oo ah Hogaamiye Awood badan ku dhex leh dalkiisa, ayaa laga sugayaa jawaabta uu ka bixiyo arrintan ay kula kacday xukuumadda Sacuudigu oo ay si aad ah isu hayaan marka ay timaaddo dhinaca siyaasaddu.
Diyaariye:Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com