Hargeysa(GNA)-Faysa Maxamed Maxamuud oo ka mid ahayd Haweenkii Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegtay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye ku Guul-daraysteen Baajinta Tahriibka Dhalinyarada waddanka oo ka mid ahaa Waxyaabihii balan qaadka Xisbiga ugu waaweynaa, taasi bedelkeedana laga dhaxlay Hanti lunsi iyo dhaqaale bur-bur ay dalka ku hayaan.
Haweeneydan oo ka sekow ka mid ahaanshaheedii Xisbiga Kulmiye, ah Xaaska guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee xilka laga qaaday Shirkii Golaha dhexe ee Xisbigaasi qabsaday bishii april ee 2011, laguna dhaawacay shirkaasi, ayaa hadalkan ka sheegtay shalay mar ay warbaahinta kula hadashay Magaalada Hargeysa.
Waxaanay sidoo kale shaacisay inay jiraan Guryo Masuuliyiinta Xukuumaddu ka iibsadeen Hantida qaranka mudadii ay Xukuumaddu jirtay, kuwaasoo uu ka mid yahay Guri dhawaan Wasiirka Madaxtooyada lagu dhaleeceeyay inuu lacag adag siistay, laakiinse uu Wasiirku daadifeeyay oo ku yaala xaafadda Pepsiga.
Faysa Maxamed oo arimahaasi ka hadlaysaana waxay tidhi “Xukuumaddu lacagta ay ku bixinayso sidii ay u baabi’in lahayd Golaha Wada-tashiga, waxa qurux badan inay dhalinyarada shaqo ugu abuurto oo ay Mashaariic shaqo abuuris ah ku samayso,waayo Maanta dhalinyaradeenii ayaa Kalluunka badda noqotay oo Badaha ku dhamaaday, waxaanan qabaa inta tahriibtay intii Kulmiye talada hayay iyo xiligii Daahir rayaale, waxa badan inta waddanka ka tahriibtay saddexdii sanadoo ee Kulmiye talada hayay, waxaanan taa ku xaqiiqsaday Suuqa markaan tago meelaha Jaraa’idka lagu akhristo subixii waxaan ku arki jiray dhalinyaro shaqooyin ka eegaya Jaraaa’idka”.
ma jiraan maanta oo ay dhaqaaqeen, markaa lacagta Laaluushka lagu bixinayo ee dadka la siinayo ee lagula dagaalamayo Mucaaridka waxaan odhan lahaa waar dhalinyarada shaqo ugu abuura”ayay hadalkeeda raacisay.
Waxa kale oo ay intaasi raacisay “waxa kale oo aan leeyahay halaga daayo Lacagta Guryaha la siisanayo ee sidaa loo baabinayo ee Wasiiraddu Guryaha iyo Dhulka siisanayaan, annigu waxaan Ogahay in Wasiirka Madaxtooyadu Guri ka soo horjeeda Guriga Cabdiraxmaan Cirro dhisanayo ee Xaafadda Pepsiga uu siistay lacag $80,000 (sideetan kun oo Dollar), Gurigaa Xirsi wuxuu Iibsaday iminka oo anniga ayaa cadanaya, kuwo kale oo Guryo Dawladeed iyo kuwo shicib leeyahay lacagtii Umadda loogu Iibinayana waanu Ognahay ee sidan halaga daayo Hantida Umadda”.
Wargeyska Waaheen oo ka mid ah Warbaahinta Maxaliga ah ee waddanka ayaa dabayaaqadii Bishii Ramadaanta Daabacay War sheegaya in Wasiirka Madaxtooyadu Guri ku yaala Xaafadda Pepsiga oo ay dawladu leedahay siistay lacag gaadhaysa 80,000 Dollar, hase ahaatee Wasiir Xisri Cali Xaaji Xasan arintaasi wuu beeniyay maalmo yar ka dib, iyadoo sida ay sheegtay Gabadhani arintaasi ay tahay mid jirta.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com