Tuesday, August 20, 2013

Jaamac Biime: Badbaadinta KULMIYE Waxey Ku Jirta Iyado Xisbiga Laga Qabto Muse Biixi Iyo Cabdicasiis Samaale



Xisbiga KULMIYE oo ah Xisbi uu Aasaasay Madaxweynaha Hadda Kursiga
Dalka Ugu Sareeya Ku Fadhiya ee Md Axmed Maxamed Maxamoud Silaanyo,
aya ah Mid Somaliland Ku Leh Sumcad iyo Tariikh Balaadhan, Xisbiga
KULMIYE waxu ka Mid Yahay Xisbiga Ugu tageerada Badan Marka la Eego
Gobolada ay Ka Kooban Tahay Somaliland iyo weliba iyado Ku cad, sidi
Doorashadi Dhoweyd ee Dalka Ka Dhacday ee uu la Kacay Cod 50% Dalka
Codkiisa, Iyado Lixda Gobol ee Somaliland Ka Kooban tahay Ka Helay
Aqbaliyad Ku Filaaday Ino Ku soo Baxo Kursiga Madaxtooyada.

Hadda Iyado uu Ku Guuuleystay Kursiga Dalka Ugu Sareeya Madaxweyne
Axmed Silaanyo 2010 isago Isla Markiibana Xilka, Gudoomiyenimada
Xisbiga KULMIYE iska Wareejiyay, Iyado aanay Noqon Karin Sharci ino
Isko Hayo Labo Jago, ayo waxu Jagada Gudoomiyanimada Xisbiga KULMIYE
Ku Wareejiyay Mujaahid Muse Biixi Cabdi Isago aha Markaas Gudoomiye
Kuxigeenki 1aad ee Xibiga KULMIYE, Isago Markaas Xaq uu Laha Ino
jagadaasi Sii Qabto, Ila Shirweyne Xisbiga KULMIYE Dhacayo si ay
Halkaas Hadhow Loogu Codeeyo Cida Noqonaysa Gudoomiyaha iyo
Kuxigeenada Xisbigaasi.

Si kasta ha ahaate Shirweynahi Loo Qaban laha Xisbiga KULMIYE
Goolahiisa Dhexe. waxa Hadheeyey Tuhuno Siyaasadeed iyo Buuq badan
Iyado Taasi kaliftay in La Isko afgaran Waayo Xiliga La qaban doono
Shirweynaha Golaha Dhexe ee KULMIYE, Iyado Masuul kasta oo Ka haya
Jago Xisbiga KULMIYE ka Baqanayo ino Waayi Doono Booskiisa ama
Jagadaas uu hayo.

Waxa Suuqa Iyana Soo Gashay ino Cabdi Casiisa Maxamed Samaale oo aha
Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Barlamanka oo haddana Loo Magacaabaya
Jagada Wasaarada Maaliyada Xukummada Somaliland, Ino uu Taagan yahay
Jagada Musharaxa Madaxweynaha Somaliland iyado Taasi uu Xaq uu
Leeyahay Madaama uu ka Tirsan Yahay Xisbiga KULMIYE Goolahiisa,
Waxaaney Taasi Wer wer Ku abuurtay, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md
Muse Biixi oo isago haya Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Laakin Isago Isko
Waday ino Isago uu iso soo Sharaxo jagadaasi.

Waxa Sheekada Suuqa Soo Gashay iyo Xanka Siyaasadeed ee Suuqyada
Somaliland iyo Caalamka Laga Faleeyo in Mujaahid Muse Biixi iyo
Cabdicasiis Samaale Labaduba uu taaganyahiin Jagada Musharaxa
Madaxweyne ee Doorashada Soo Socota, Iyado Labada Muwaadin ee Ka soo
wada Jeedan isko Beel Hoose, ayay waxey Saameyn weyn Ku yeelatay
Beesha Sacad Muse ee ay ka soo wada Jeedan Iyado, taasi kaliftay ino
Ninba Salaadiin Gaar ah La shiro, Tageerana ka Raadsado Beesha.

waxa Magaalada Hargeisa Mar keliya Laga Maqlay Ino Shirweyne uu Qabtay
Mujaahid Muse Biixi Saladiinta Beesha Sacad Muse Iyado Taasina wer wer
Ku abuurtay Cabdicasiis Samaale Isago isna Xaggiisa ka abaabulay
Shirweyne Kale oo Isna Salaadiinta Beeshiisa sacad Muse ugu Qabtay
Hotelada Magaalada Hargeisa Mid ka Mid ah.

Iyado Taasi Sababtay Inay Iyana Salaadiinta Beelaha Sacad Muse Ku kala
Qaybsamaan Ciday Tageerada Siin Lahayeen.

Si kastaba ha ahaate, Iyado Beelaha Sacad Muse uu kala Qaybsameen 2
garab, aya waxa garab Ka Mid ahi, Ku Dhawaaqen In Shirweyne Beesha
Sacad Muse Loo Qabto, iyado ay Sheegen inay ay uu Baahanyahiin Inay
Beesha Sacad Muse si Mideysan uu Doortan Musharax uu Tartama
Doorashada Madaxtinimada ee Inagu soo Foosha Leh, Iyado Ka dibna ay
Garabki Kale ee Iyana Ka Tirsanayd Beesha Sacad Muse ay iyana Ku
Dhawaaqen Shirweyne Kan La Mid AH.

Iyado Muranka Siyaasadeed ee uu Dhaxeeya Labada Siyaasi ee Kala Muse
Biixi iyo cabdicasiis Samaale, aya waxa Ka Muuqata Xisbiga KULMIYE
Qudhiisa Ino Bur Bur ino Qarka uu Saaranyahay Madaama, Laga dareemayo
Xisbiga Gudahiisa in Loo kala Qaybsamay Iyana Dhowr Garab, oo
Shakhsiyad Kala Tageeraya, Iyado Cuduuda weyn ee uu kala Jabay uu
yahay, Mid uu Kala Qaybsan ( garabka Mujaahid Muse Biixi iyo
Cabdicasiis Samaale)

Haddaba Maxa La Filan Kara Shirweyna Xisbiga KULMIYE ee Lagu Dhawaaqay
ino Dhici Doono, Bisha DEC 2013, Miyo Qabsoomi Mise Dib ayo uu Dhici
Doona, Mise Shirweyne Beesha Sacad Muse ee Hadda Ka socda Duleedka
Hargeisa aya Xal Ka soo Saari Doona Dabeysha Siyaasadeed ee ay
Kiciyeen Labadan Siyaasi.

Mise Badbaadinta Xisbiga KULMIYE waxey Ku Jirta Ino Madaxweyne Axmed
Maxamed Maxamoud Silaanyo ino Mar Kale Jagada Dalka Ugu Sareysa ino
iso soo Sharaxo Sido Xisbiga KULMIYE uu Badbaadin Laha?

Waa Bilaahi Towfiiq

Jaamac C/Laahi Biime
Burao@Live.com
London