(GNA) Shirkadda Facebook ayaa Heshiis la galaysa Shirkad la yidhaa Mobile Technologies oo ka shaqaysa Tiknoloojiyadda Codadka iyo Tarjumada.
Shirkaddan Mobile Technologies waxaa la sameeyay 2001, waxayna hirgalisay BarnaamijDadka isla hadlayaa si toos ah ugu suurtagalinaya inay Tarjumaan Hadaladooda iyaga oo markaa toos u wada sheekeeysanaya.
Barnaamijkan waxaa la yidhaa Jibbigo, waxaana lagu isticmaali karaa Nidaamyada Android iyo IOS.
Tom Stoky oo Maamulaha Wax-soo saarka ee Facebook ah ayaa sheegay in iyaga iyo Shirkaddu ay galeen Heshiis dhigaya in Shaqaalaha Mobile Technologies ay u soo wareegaan Xarunta Facebook.
Laakin Mas’uulkaan ma aanu sheegin wax Xog ah oo ku saabsan Qiimaha uu ku kacayo Heshiiska ay wada galeen iyaga iyo Mobile Technologies.
Wuxuuse xusay in Barnaamijkan cusub ee ay Facebook doonayso uu yahay mid fulinaya Codsiyo Macaamiisha ka imaanayay oo la xidhiidha Tarjumaadda Wada sheekeeysiga ay Dadku ku samaynayaan Facebook.
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com