(GNA) Dhawaan ayey warbaahinta caalamka qoreen qofka dunida ugu da,weyn taas oo loo aqoon saday islaan udhalatay wadanka France oo magaceeda lagu sheegay Jeanne Calment da,deeduna waxa ay aheyd 122- "boqol iyo laba iyo labaatan"halkaa oo lagu diiwaan galiyay buuqa lagu qoro dhacdooyinka aduunka -Guinness World Records, hadaba dadka ku dhaqan aduunka ayaa maalmihii aanu soo dhaafnay waxaa soo jiitay oday ku nool qaarada laatiin ameerika wadanka Bolivia odaygaa oo da,diisa lagu sheegay 123-jir "boqol iyo sedex iyo labaatan.
Masuuliyiinta dalka Bolivia ayaa rumeysan in dalkooda uu ku nool yahay ninka dunida ugu da’da weyn, kaasoo ah 123 jir xoolo Dhaqata ah oo degan aqal ku yaala meel miyi oo buuraley ah.
Ninkan oo lagu magacaabo Carmelo Flores Laura, weli caafimaadkiisu waa taam, uma baahna inuu bakoorad isla markaana ma xidho muraayadaha indhaha, isagoo gala socod dheer maalin kasta, inkastoo ay ilkihii ka dhamaadeen, sida ay qortay jariirada The Mirror.
The Aymara Indian oo ka tirsan masuuliyiinta Bolivia ayaa ka hadlay sirta cimri-dheerida ninkan, isagoo sheegay inuu cuno kadab-jiirka iyo dawacada, kana fogaada isticmaalka macaanka sokorta iyo cunista baastada , waxa uu sameeyaa socod dheer.
Ninkan – oo ah aabe dhalay saddex caruura oo sii dhalay 16 oo uu awoowe u yahay, kuwaasoo iyaguna sii dhalay 39 caruur ah – ayaa dhashay July 16, 1890,sida ku qoran diiwaanka bulshada ee dalka Bolivia.
Carmelo, oo xaaskiisa ay nolosha ku cidleysay 10 sano ka hor, ayaa yidhi “Waxaanu keliya cuni jirnay xayawaanka duur-joogta ah. Raashinka waan la sameyn jiray xaaskeyga. weligey ma caajisin – welina waxaan maalin walba galaa socod dheer.”
Guriga uu degan yahay ninkan oday ah ayaa ku yaala meel cidla ah oo ka mida buurta Frasquia, oo dhererkeedu yahay 13,100ft meel u dhow harada Titicaca.
Qaraabada ninkan ayaa sheegay inuu ka qeyb galay dagaalkii 1933 ay Bolivia la gashay Paraguay.
Ninkan ayaa hadda lagu qoray buuga Guinness Book of Records, kaasoo lagu diiwaangeliyo waxyaabaha mucjisooyinka aduunka, waxa uuna rikoorka qaaday Jeanne Calment oo u dhashay France, kaasoo ku dhintay da’da 122 jir sanadkii 1997, isagoo markaa ahaa ninkii ugu da’da weynaa aduunka..
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com