Wednesday, August 21, 2013

Hargeysa: Wasaaraddaha Adeega Bulshada oo Kulan 3Geesood ah ka yeeshay Dhibaatada Qashinka iyo D/hoose oo ka Muquuratay


Hargeysa(GNA) kulan lagu Dersay dhibaatada qashinku ku hayo Deegaanka ayaa Maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Magaalada Hargeysa, kaasoo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiinta Wasaaradaasi iyo xubno ka socda Wasaaradda caafimaadka iyo Hay’adaha kale ee ka shaqeeya deegaanka iyo arrimaha Bulshada.




Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Deegaanku, ayaa si weyn loogu lafo-guray sidii loo Ilaalin lahaa deegaanka, bulshadana loogu wacyi gelin lahaa inay ka qayb-qaataan dhawrista fayo-qabka deegaanka.




Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo Wasiirka Deegaanka Shugri Xaaji Baandare oo ugu harayn halkaaasi ka hadashayayaa sheegtay “ “Hadaanu nahay wasaaradda deegaanka waxa naga go’an in aanu wax bandan ka qabano badbaadinta deegaanka nooc kasta oo uu yahay. Dawladaha hoose ee dhamaan gobolada dalka waxaanu u soo jeedinaynaa in ay iyaguna hawshaa dhinacooda ka shaqeyeeyaan.”  Wasiir Shugri Baabdare iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay baaq u dirtay badhasaabada gobolada dalka, waxaanay tidhi “Waxaan baaq codsi ah u dirayaa badhasaabada dalka waxaanaan lehay annagu cidaanu la xisaabtamaynaa waa idinka. Markaa waa in aynu si fiican u gudano hawsha qaran ee aynu bulshadeena u hayno.”  Ayey tidhi wasiirku mar ay ka hadlaysay doorka wasaaradda deegaanka iyo baahida loo qabo iskaashi laga yeesho badbaadinta deegaanka iyo fayo-dhawrkiisaba.




 Marwo Shuri Xaaji Ismaaciil ayaa iyadoo ka hadlaysa waxyaabaha kulankan ka soo baxay loona baahan yahay in lagu shaqeeyo tidhi “Kulankan waxyaabaha haboon in la sameeeyo ee ii muuqday goobtana lagaga hadlaya waxa ka mida, in la sameeyo guddi ka shaqaysa arrimaha uu kulan keenani ku saabsanaa, in dawlada hoose kaalinta kowaad ay ka tahay arrimahan inaguna aynu ku caawinayno, in bulshada wax la baro oo la wacyi’galiyo  iyo in sharcigu shaqeeyo oo la sameeyo daba gal.”




 Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo iyaduna kulankan ka hadashay ayaa sheegtay in loo baahan lahay shuruuc lagu xakameeyo qashinka, iyadoo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi “Markaad bulshadeena u fiirsato waxaad is odhanaysaa malaa waynu iska nool nahay, waxaad arkaysaa suuqyadeena masqulihii, hilibkii, tima jarihii oo meel ku wada yaala, duqsiga ka soo duula masqushu waxa uu imayaan halkii uu hilibku yaalay. Markaa waxa loo baahan yahay in sharciyo laga soo saaro arrimahaas si loo helo bulsho iyo deegaan caafimaad qaba”ayay tidhi.




 Sidoo kale waxa kulankaas ka hadashay wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Shugri Xariir Ismaaciil waxaanay tidhi “Waxa loo baahan yahay in si wada jir ah looga hawl galo uruurinta qashinka iyadoo laga bilaabayo qashinka guryaha ilaa meesha lagu soo qubo, lana sameeyo cid ka shaqaysa hawshaas. Wayaabaha aan caadada inoo hayn ee aad hada arkayso waxa ka maida qof inta uu qashin ka soo qaado gurigiisa hor dhigaya guri kale. Markaa waxaan leeyahay cida shaqada u leh uruurinta qashinku waa in ay hawshooda  si fiican u gutaan, cidii ka hor timaadana sharciga mariyaan.”




Gaba gabadii shirkaasi wasiirka deegaanka iyo horumarintu waxay sheegtay inay kulankan ku soo marti qaadeen dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, laakiinse aanay u iman kana soo jawaabin martiqaadkii ay wasaaradda deegaanku u fidisay,kana  xunyihiin ka maqnaashaha kulankan.




Geesta kale, kulankani intii uu socday waxa lagu soo bandhigay muuqaalo ka turjumaya dhibaatda ay deegaanka ku hayaan qashinka noocyadiisa kala duwan iyo halista caafimaad iyo deegaan xumo ee ka iman karta hadii aan si dhaqso ah loogu gurman waxka qabadka arrintaas.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com