Friday, August 2, 2013

Basaasyahanka Reer Maraykan Ee Edward Snowden Oo Bil Ka Dib Magan Gelyo Ka Helay Dalka Ruushka






Ninka dinida ka caanka noqday ee Baxsadka ah ee Caalamka u soo bandhigay  sirtii Mareykanka Edward Snowden mudo todobaado ah ka dib oo garoonka diyaaraha ee Magaalo Madaxda Dalka Ruushka ee Moosco uu ugu Xanibnaa Magangelyo doon waxa uu ugu danbeyntii dakaasi Rasia ka helay Magan gelyo ku noolaashiyo ah.




Waxana warkaasi Xaqiijiyay Qareenka u doodaayay mr Snowden oo lagu magacaabo  Anatoly Kucherena, ayaa sheegay shalay  Khamiistii in Masuuliyiinta Ruushka ay siiyeen magan gelyo Siyaasadeed iyo ku noolaasho dalka ahba mr Snowden oo 30 sna jir ah, isla markaana horay ula soo shaqeeyay hay’adda sirdoonka Mareykanka, waxana la sheegayaa in Magangelyo  muddo hal sana ah ninkaasi la siiyay.




 Qareenku waxuu intaasi ku daray in Snowden uu tagayo goob qarsoodi ah oo amaan ah,Basaasyahankan mr Snowden ayaa ku sugnaa qeybta Socdaalka (Transitka) ee Garoonka Sheremetyevo  in ka badan bil,  waxaana u suuragali weyday inuu ka baxo Moscow, ka dib markii Mareykanka uu kala noqday Jinsiyadda iyo baasaboorkiisa.




 Mareykanka ayaa u doondoonaya eedo la xidhiidha inuu ku kacay ninkani basaasnimo ka dhan ah dalka Mareykanka,Ka tagista Snowden ee Garoonka Mosco ayaa laga yaabaa inuu sare u qaado xiisaddaha ka dhex oognaa xukumadaha Moscow iyo Washington,Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa weydiistay Madaxweynaha dalka Russian Vladimir Putin inuu ka eryo Snowden dalkiisa , laakiin hogaamiyaha Rusia ayaa diiday dalabkaasi, taas oo Mareykanka ka cadhaysiisay.




Wariye Mr Hudle




Email:Shabachudle@gmail.com




Gobanimonews@gmail.com/Hargeysa Head Office /Somaliland