(GNA) Dhakhaatiir u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa daaha ka qaaday malabcusub oo lagu daawayn karo dhaawacyada askarta ka soo gaadha rasaasta, kansarka iyo nabarada dadka soo gaara.
Khubaradan oo tijaabadoodii ugu horraysay ku hirgeliyey hooyooyin umul ah, ubad markaas dhashay iyo bukaan la il darran kansar waxa u soo baxday faaiidada malabkan oo la yiraa Surgihoney.
Malabkan ayaa boog calooleedka iyo dhaawacyda ku daawaynaya muddo yar oo kooban sida khubaradan ka tirsan cusbitaalka Hampshire Hospitals iftiimiyeen, waxa kale oo ay sheegeen in dumarka ubadka lagu qalo dhaawacyada qalliinkaas ka soo gaara malabkan lagu daawayn karo.
Dhakhaatiirta malabkan soo saartay waxa kale oo ay ku daaweeyeen dhaawacyo soo gaaray askarta Ingiriiska ee ka dagaalantay dalka Afganistan, waxa kale oo ay ku daaweeyeen finanka iyo kansarka maqaarka ku dhacay.
Dr. Matthew Dryden oo ka tirsan cusbitaalka Hamphire ayaa sheegan in daawadan cusub wax badan ka tari doonto dhaawacyada baniaadamka soo gaara ee halista ah.
Malabkan kumanaan sanno waxa loo isticmaali jiray in dhaawacyada lagu daaweeeyo, balse dhakhaatiirtu markii hore waxay ka door bidi jireen daawooyinka la yidhaa Pencillin iyo Antibiotics.
Malabkan Surgihoney la yiraa oo 10g kiish ku jiraan waxa uu dila bakteeriya, dulinka iyo caabuqa uu keeno Fungal, sidoo kalena wuxuu dedejiyaa in dhaawacyo si fudud ku soo kabtaan.
Waxaannu tijaabay markii labka aanu galna bal sida malabyada adduunku u kala duwan yihiin, kadibna waxannu ogaanay in malabka Surgihoeny uu aad ugu wanaagsan yahay daawaynta, sidaa darteed sannadadii ina dhaafay waxaan u isticmaalayey inaan ku daaweeyo bukaanka, natiijooyin cajiib ah baana iiga soo baxaym? ayuu yiri Dr. Dryden.
Diyaariye:Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com