Wednesday, August 14, 2013

Ruuxii Arkaaba Ilmee !! – W/Q A.A. Carab


Inkasta oo bani-aadamku jecel yihiin inay arkaan wax qurux badan oo horumarsan, haddana ma fududa inuu ku dhiirado sameynta waxa keenaya quruxda iyo horumarka qalbigiisu tabayo.




Sidaas oo ay tahay, dadka ku kala nool daafaha adduunka ILAAHAY (SWT) waxa uu kala siiyay derajooyin nololeed oo aad u kala durugsan, waxaana jira dad ILAAHAY hanti ku nimceeyay oo haysta wixii  ay noloshooda oo dhan ku noolaan lahaayeen, iyada oo kuwa xigaana ay yihiin kuwo aan ka war-warin quutal daruurigooda, halka ay jiraan dad ay noloshoodu khatar ku sugan  tahay, marka aad eegto sida ay uga madhan yihiin dhaqaalaha nolosha aadamuhu ku tiirsan tahay, waxayna adduunka korkiisa ugu nool yihiin siyaalo kala duwan.




Dadkan noloshoodu cidhiidhiga tahay oo aayahooda iyo mustaqbalkoodaba waajib ka saaran yahay hadba dadka ay la nool yihiin, ha ahaato dawladda ama shacabkaba’e, ayaa rejo ka qaba in mar uun ay gacan bani-aadaminimo ka helaan Muwaadiniinta kale ee nasiibka iyo wakhtigu ka sareysiiyay, bal si ay bulshada inteeda kale ula jaan-qaadaan.




Dadkaa aynu sheegnay in noloshoodu khatarta ku sugan tahay oo dadka ay la nool yihiin magacyo kala duwan u yaqaanaan ayaa qaarkood waxay ka aradan yihiin guud ahaan waxyaabaha nolosha aadamaha aasaaska u ah, sida hoyga oo kale, waxayna qaarkood si fool xun ugu hoos nool yihiin darbiyadda dhismayaasha ku yaal hadba Magaalada ay joogaan, iyaga oo aan kala lahayn habeen iyo maalin toona, maadaama oo aanay nasiib u helin inay sida dadka ay ku dhex nool yihiin u caraabaan ama ka soo kalahaan guryo ay ka hoos galaan mashaakilaadka hoy la’aanta ee ay la deriska noqdeen, waxaana intaa u dheer tahay iyagga oo maalin walba arka dad qayrkood ah oo dedaal ugu jira buuxinta galdaloolooyinka nolosha adduunka ee iyagu ka qayb-galkeedu ku adkaadey.




Haddaba, Dadkan aynu hab nololoodkooda dhibka badan wax ka iftiiminay oo ah DARBI-JIIFKA, oo Mushaakilaadka haysta aan qalinku soo koobi karin, ayaa waxa ay ku kala nasiib badan yihiin hadba sida shacabkooda iyo dawladooduba ugu hagar baxaan ee ay gacan bani-aadaminimo ugu fidiyaan si ay noloshooda wax uga bedalaan.




Waddooyinka Magaalooyinka Somaliland had iyo jeer waxaad ku arkaysaa carruur aad u yar yar oo hadba dhinac u qaadaya, kuwaas oo aan lahayn cid iyo ciirsi toona, kana dhur-sugaya bal sida dawlada, shacabkooda iyo dadka hawlaha bani-aadaminimo ku hawlani u dareemaan dhibaatada ku habsatay ee cid ay uga cawdaan jirin (ILAAHAY Mooyaane) iyagga oo maalin walba hoos joogsada gaadiidka ay wataan dadka iyo masuuliyiinta uu waajibku ka saaran yahay mustaqbalkooda, iyagga oo waydiisanaya wax ay mar afka galiyaan sida Qaddo, qureec ama Casho.




Sidaas oo ay tahay, Maalintii doraad waxay ahayd maalintii koowaad ee Ciida Carafo (Ciida Soon), taas oo shacabka Somaliland Carruur iyo Ciroolaba qof walba ku ciiday wixii uu haystay ee uu heli karayay, isla-markaana la isla dhex maray farxad iyo damaashaad, iyadda oo darbiyadda Magaalooyinka uu waagu ugu baryey carruurtii darbi-jiifka oo waxay ku ciidaan daayoo aan qureecan, waxayna indhahaagu qabanayeen iyagga oo il-naxdin leh ku eegaya Carruurta qayrkood ah ee sida fiican loogu soo labisay ee gacana waalidkood ku haysta, gacanta kalena ku sita alaabooyinka carruurta ama Macmacaanka Waalidkood kaga farxiyey, sawirkaas oo iyagga ku ah dhimbiil dab ah oo ay ku joogsadeen, isla-markaana xasuusinaysa qiimaha waalidka waa haddii ay nolol ku soo gaadheene.




Dareenka noocaas ah ee aynu kor ku sheegnay ayaa qof kasta oo arka waxa uu ku beerayaa dareen argagax leh oo indhahaaga ku khasbaya inay ilmada xajisan waayaan.




Si kastaba ha noqotee, waxa uu qalinku ku talinayaa in si deg-deg ah la iskaga kaashado wax u qabadka dhalaankan dhexdeena ku dayacan ee ilaa hadda aanay qaban indhaha dadka jecel taakulaynta dadka noocaas ah.




Cabdiqaadir Aaden Carab.




Email: Horseed001@gmail.com