(GNA)Chandra Bahadur Dangi ninka dunida ugu gaaban wuxuu u dhashay dalka India, wuxuuna ku dhashay tuulada Kalimati ee degmada SELYAN 13-kii November 1939-kii , dadiisuna waa 72 sano jir, wuxuuna ku nool yahay tuulada RHIMKOLO ( REMOTE MOUNTAIN VILLAGE ) oo ka tirsan degmada DANG District oo 400 KM ama 250 Miles u jirta caasimada India ee NEW Delhi.Dangi dherekiisu waa 54.6 CM ama 21.5 INCHES , culeyskiisuna waa 14.5 KG ama 32 Ib, rikoorka gaabnida wuxuu ka qaaday JUNREY BALAWING oo u dhashay dalka PHILIPPINES oo dhererkiisu ahaa 60 CM ama 23.5 INCHES , Chandra Bahadur Dangi waa ninka ugu gaaban dadka qaan gaadhka ah ee dunida ku nool oo dhan , iyo ninka ugu gaaban raga dunida ku nool oo idil, abaal marinta ninka dunida ugu gaaban qaatay kadib markii 3 jeer la cabiray dhererkiisa mudo 24 saacadood gudahood ah.
Dangi wuxuu la dhashay 6 wiil iyo 2 Hablood , hooyadii iyo aabihii waxey dhinteen isagoo 16 jir ah, tifaftiraha buuga lagu soo bandhigo waxyaabaha mucjisooyinka ah GUINNESS BOOK OF RECORD wuxuu yidhi CHADRA DANGI wuxuu noqonayaa ofka kaliya oo 72 jir ah heysta gaabnida aduunka mudo 57 sano ah, Chandra Bahadur Dangi waxuu xidhaa koofiyad dhaqameed iyo dhar isaga si gaar ah loogu tolay, wuxuuna sheegay in lagu qoro buuga GUINNESS ay farxad u tahay qoyskiisa, tuulada uu ku dhashay iyo dalkiisaba.
Dhinaca kale JYOTI AMGE haweeneyda dunida ugu gaaban waxey u dhalatay dalka NEPAL , waxeyna ku dhalatay tuulada NAGPUR 16-kii December 1993-kii, dadeeduna waa 18 jir , dhererkeeduna waa 62.8 KG ama 24.7 INCHES .Amge waxey heshay rikoorka haweeneyda dunida ugu gaaban 16 december 2011 sida ay qoreen LINDA BOOK OF RECORDS iyo GUINNESS BOOK OF RECORDS , JYOTI ANGE oo dhumucdeedu aad u yar tahay waxey u baahan tahay in si gaadha ah loogu sameeyo dharka iyo dahabka ,iyo waliba sariir yar oo ay ku seexato.
Ninkan iyo haweeneydan dunida ugu gaaban CHANDRA BAHADUR DANGI iyo JYOTI AMGe waxey kulmeen bishii April 2012 , wuxuuna kulankoodu noqday markii ugu horeysay taariikhda oo ay kulmaan labada qof ee dunida ugu gaaban , wuxuuna kulankoodii labaadna noqonaa bishan 8aad ee sanadka taas oo ay qolada maamusha buuga dhacdooyinku qaban qaabiyeen aragtida la baad ee labadan qof ee dunidu u aqoon satay dadka ugu gaagaaban aduun weynaha inta lagaranyo ee recod ka laga hayo ama ka diinaaw gashan buuga loo yaqaan GUINNESS BOOK OF RECORDS.
Diyaariye:ASKAR
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com