Nairobi(GNA)-Dab ayaa saaka arooryadii 5tii subaxnimo qabsaday Madaarka Diyaarada ee Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya,kaasoo ku fiday guud ahaan Terminalka Airporka.
Ma cada waxa sababay dabkan xoogan oo burburka u geystay Airporka ugu weyn dalka Kenya, ee Jomo Kenyatta airport balse dabdamiska Nairobi ayaa weli la tacaalaya daminta dabkaasi. Ma jiraan weli xog laga hayo dhaawaca ama dhimasho inay ka dhalatay.
Dabkan ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay qeybta Immirgareeshinka wuxuuna markii danbe ku fiday qeybta dadka kasoo degaan rakaabka duulimaadka caalamiga ah ee ( International arrivals-ka) waxaana markii danbe gebi ahaan la xiray Airporka, kadib markii uu dabkaasi ku fiday daarta inta badan Terminalka ee xafiisyada ku yaalaan.
Gebi ahaan Airporka Nairobi ayaa hada xiran marka laga reebo diyaaradaha aan heysan inay meel kale kusoo dagaan oo hawada ku jira, waxaa la joojiyey diyaaradihii bixi lahaa iyo kuwii kale ee soo degi lahaa maalmaha soo socda.
Khasaaraha dabka ayaan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay balse mas’uuliyiinta Kenya ayaa ku tilmaamay arrintan musiibo weyn, waana khasaarihii ugu weynaa ee soo wajaha Airporka Nairobi oo isku xira airporada Bariga Afrika.
Dhamaan Wadooyinka taga Airporka Jomo Kenyata ayaa xiran, waxaana loo ogol yahay oo kaliya inay galaan gaadiidka gurmadka deg degta ah.
Dabkan ayaa dhashay 48saac kadib markii hakad ku yimid duulimaadyo badan kadib markii uu shaqeyn waayey matoorka kaalimaha shidaalka ee diyaaradaha ka qaataan, arrintaasi oo keentay in duulimaadyo badan loo weeciyo Airporka magaalada Mombasa, Kigali iyo Kambala.