Friday, August 16, 2013

Col. Dhidar: Derejo siinta Ciidamadu waa Marxaladii ugu adkayd ee laga gudbo, waana horumar fiican oo la gaadhay”.


Hargeysa(GNA)-Dareenada lagu soo dhaweynayo darejo siinta Ciidanka qalaka sida ee Somaliland ayaa isa soo taraya tan iyo markii la bilaabay hawshaasi.




Maxamed Shiil Dhidar oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Somaliland, xilal kala duwana ka soo qabtay Ciidanka Bilayska Somaliland, ayaa soo dhaweeyay talaabada Ciidanka loogu sameeyay derejada oo uu ku tilmaamay mid horumar iyo guul dawladnimo ka turjumaysa.




Col Dhidar oo mar ahaan jiray Taliye ku-xigeenka Ciidanka Bilayska Somaliland, ayaa arintan ku tilmaamay marxalad aad u adag oo laga gudbay, isla markaana Xukuumadihii hore ee dalka soo amaray ku dhici waayeen.




“Derejo siinta Ciidanka waxaan u arkaa arin ay ku dhici waayeen xukuumadihii dalka soo maray oo lagu dhiiraday, waxaanay tilmaamaysaa horumar fiican oo la gaadhay”ayuu u sheegay Telefishanka Dawlada Jimcihii Maanta.




Col: Dhidar oo hadalkiisa sii wata ayaa shegay in go’aanka Ciidanka Derejada lagu siiyay uu yahay marxaladii ugu adkeyd ee laga gudbo “Maanta arintani waxa weeye Marxaladii ugu adkayd ayaa laga gudbay”.




Derejooyinka Ciidanka qalabka sida ee Somaliland ayaa wax weyn ku soo kordhisay Haybadda iyo Muuqaalka Askarta, waxaana bar-bar socoto Gunnooyin  Saraakiisha lagu taxay la siinayo, taasoo iyaduna  abuuraysa rejo ay Ciidanku mudo dheer u soo samrayeen oo dhinaca dhaqaalahooda samaynaysa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com