Saturday, August 17, 2013

Carwada Bandhiga Buugaagta Hargeysa: Magaalo Sanadkan Meel isugu Keentay Qorayaal ka kala socda 6 Dal oo Afrikaan ah.Warbixin


Hargeysa(GNA)-Magaalada Hargeysa waxa Maanta ka furmay Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta oo sanad kasta hal mar lagu qabto Magaalada.




Bandhigan oo sanad kasta ay qoreyaasha Somalidu ku soo bandhigaan Buugaagta ay qoraan, ayaa sanadkan loogu magacdaray “SOCDAAL”, taasoo ah kelmed ka turjumaysa arimo badan oo ku saabsan nolosha Bulshada somalida,  hase ahaatee haatan looga gol-leeyahay khatarta iyo dhibaatada nololeed ee Tahriibka oo qayb ka noqon doona dooda lagu lafa-guri doono Barmaamujka sanadkan, sida uu sheegay Jaamac Muuse Jaamac oo ka mid ah xubnaha sanadka bandhigan soo qaban-qaabiya iyo Bahada Red Sea Online.




Jaamac Muuse Jaamac  ayaa sheegay in Bandhiga sanadkan lagu soo bandhigi doono in ka badan konton Buug oo cusub oo ku qoran luuqado kala duwan, Somaligu ha ugu badnaadee “buugaagta la soo bandhigayo sanadkan waxa ku jira konton buug oo cusub oo ay ku jiraan kuwo ay qoreen qoreyaal Kenya iyo Nijeeriya ka yimi, waxaana Bandhiga sanadkan marti ku ah Dalka Kenya oo ay nooga yimaadeen qoreyaal badan oo aan hore tartanka uga soo qayb-gelin” ayuu sheegay Jaamac M. Jaamac isagoo ka hadlayay Munaasibada furitaanka Bandhigan oo ka dhacday Hoolka hay’adaha shaqaalada dawlada ee Magaalada Hargeysa.




Munaasibadda furitaanka Bandhig Buugaageedkan waxa ka soo qayb-galay Masuuliyiin isugu jira Wasiiro, xildhibaano ka tirsan golaayasha Baarlamanka, xubno ka mid ah dadka Ehelka u ah wax qorista, Abwaano waaweyn  iyo marti sharaf kale oo tiro badan, kuwaasoo xubno halkaasi ka hadlay ay si weyn u bogaadiyeen dadka soo qaban-qaabiyay hawshan.




In ku dhow kun Buug oo ay qoreen qorayaal ka soo kala jeeda waddanka Somaliland, Somaliya, Kenya, Nigeria, Djabuoti iyo wadamo kale oo Caalamka ka mid ah, ayaa Indhahaagu qabanayaan mar aad booqato madasha loo asteeyay bandhigan oo ah Hoolka shirarka ee Hay’ada Shaqaalaha.




Maxaa ku cusub sanadkan Bandhiga Buugaagta Hargeysa?.




Sida uu sheegay Jaamac Muuse jaamac oo ah isuduwaha hawshan, sanadkan waxa ku cusub Bandhiga qoreyaal ka soo jeeda waddamo aan hore uga soo qayb-geli jirin, gaar ahaan waddanka Nigeria oo Buugaag ay qoreen kaga qayb-gelaya.




Waxa kale oo kale oo ka mid ah dadka ka soo qayb-galay oo ka badan kuwii sanadihii hore iyo Masuuliyiin caalamiya oo iyaguna goob-joog ka ahaa Munaasibada furitaanka Mashruucan.




 







Safiirka somaliya ee Dawlada Ingiriiska ayaa ka mid ah dadka ka soo qayb-galay furitaanka Bandhigan, waxaanu madasha ka jeediyay hadal aad u qurux badan oo soo jiitay dadkii meesha fadhiyay “Dadka Reer Somaliland ee Uk degeni waxay sumcad weyn u soo jiideen dalka Ingiriiska, kuwasoo ay ka mid yihiin Suxufiga weyn ee Raage Omaar, Orodyahanka MO FARAH iyo Nadiifo oo ah qoraa Caalamiya”ayuu yidhi Danjiraha dawlada Ingiriiska u fadhiya Somaliya.




Maxaa lagu Faaqidi doonaa Sanadka?.




Waxa lagu faaqidayaa sanadkan Geedi socodka Noloshada somalida iyo doorka uu ku leeyahay Hayaanka bed-bedelashada iyo doorashada meelaha ay suurto galka ku tahay ku negaanshiyaha Bi’ada fiican, taasoo ah sababta loo qaatay kelmada socdaal.Hase ahaatee sida uu sheegay Jaamac Muuse Jaamac waxaan ka madhnayn dooda ku saabsan Khatarta Tahriibka oo Barmaamujka qaybihiisa dambe lagu soo qaadan doono.




Carwadan Bandhiga Buugaagta Hargeysa oo si taxane ah u socotay shantii sanadood ee ugu dambeeyay, ayaa sanadba sanadka ka dambeeya laga  dareemaaya horumar  iyo waxyaabo ku cusub indhaha bulshada xiisaysa, taasoo muujinaysa inay dhiiri gelin u tahay dhinacyada Qorista Buugaagta iyo is-dhexgalka Bulshada reer Somaliland iyo dadyowga kale ee ka soo qayb-gala .




Gobanimonews




Hargeysa Office 




Email: editor@gobanimonews.com